fbpx
Thursday, October 24, 2024
HomeWararkaSomaliland: Dhakhtar U Fadhiistay Imtixaan Deeq Waxbarasho Oo Ay Itoobiya Bixinayso

Somaliland: Dhakhtar U Fadhiistay Imtixaan Deeq Waxbarasho Oo Ay Itoobiya Bixinayso

    

 Waxaa saaka imtixaan deeq waxbarasho oo caafimaad oo ay dawladda Itoobiya ku caawisay Somaliland u fadhiistay lixdan dhakhtar oo reer Somaliland ah.

Deeqdaasi waxbarasho ee ay dawladda Itoobiya siisay dhakhaatiirta reer Somaliland ayaa furitaanka imtixaanka loogu tartamayo waxaa furitaankiisa goob joog ka ahaa wasiirka caafimaadka Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, iyo sidoo kale dhakhaatiir iyo saraakiil ka socday wasaaradda caafimaadka ee dawladda federaalka Itoobiya.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi,  oo furitaanka imtixaankaasi hadal dardaaran ah uga jeediyay dhakhaatiirtii deeqda waxbarasho helay, isagoona faahfaahin ka bixiyay qaabka ay ku soo kala xuleen.

Wasiirku waxa uu sheegay in hore loo naadiyay cidii ka faa’iidaysanaysa deeqda waxbarasho ee caafimaad, taasoo codsaday 85 dhakhtar, waxaana saaka u fadhiistay 60 qof.

Iyadoo ay ka maqnaayeen 35 dhakhtar oo  hore u soo codsaday in ay ka qayb gelayaan imtixaanka deeqdaasi waxbarasho.

Wasiir Gaafaadhi, waxa uu tilmaamay in afar shuruudood oo laga rabay in ay dhakhaatiirta deeqdaasi waxbarasho buuxinayaa buuxiyaan in aanay dhamaantoodba wada buuxinin, isla markaana marka imtixaanka la qaado kadib lagu kala saari doono.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir