Weftiga uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta kulan la qaatay golaha deegaanka Degmada Laascaanood.
Kulan ayaa daarnaa isbarasho, is xogg waraysi iyo sidii gobolka Sool ula tartami lahaa gobolada dalka.
Sidoo kale waxa Kulankani lagu gorfeeyey sidii Amniga gobalka oo dhan laysaga saari lahaa masuuliyadd dheerad ah iyo la dagaalan ka wax kasta carqalad ku keeni kara ammaanka Gobalka iyo kan degmada Laascaanood.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war kooban oo ay baahisay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.
Geesta kale badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkaasi uu guul ku soo dhamaaday.
“Waxaan maanta guul noogu soo dhammaaday kulan aan la yeelanay golaha deegaanka ee degmda Laascaanood. Shirkan oo uu shir guddoominayey wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirka warfaafinta, wasiirka Gaadiid iyo horumarinta jidadka, iyo taliyaha guud ee ciidammada Booliiska” ayuu yidhi badhasaabka Sool.
“Shirkan ayaa laga arrinsaday ajandyaasha kala ah Sugidda amniga, kala xadaynta xaafadaha, kor u qaadista shaqada laamaha ammaanka iyo dar-dargellinta wada shaqaynta dadweynaha iyo golaha deeganka ee magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood.
Aragtiyo iyo talooyin badhi taaraya ammaanka, midnnimada iyo Dowladnnimad ayaa shirkan intii u socday aan ku gorfaynnay, waxaana rajaynayaa in dhammaan qodobadii aan beegsanayn inaan dabakhno si ficilana looga dareemo magaallada iyo guud ahaan Gobolka.
Kulanku intuu socday, waxaan boorinay in golaha deegaanku inay dar-dargelliyaan xidhiidhka ay la leeyihiin shacabka, maddaama ay ku yimaddeen codkooda, si isla markaana looga hortego inay sii socdaan dilalka qorshaysan” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.