fbpx
Thursday, October 24, 2024
HomeArticlesColaadda Laascaanood waxay salka ku haysaa CADAAWAD IYO CIIL-QAB QABIIL oo lagu...

Colaadda Laascaanood waxay salka ku haysaa CADAAWAD IYO CIIL-QAB QABIIL oo lagu burburinayo jiritaanka Jam. Somaliland.

71. Dib-u-milicsi Xasuuqii ugu cuslaa Qaaradda Africa Qarnigii 20-aad:

Haddii aynu wax yar dib u milicsano sooyaalka taariikhda, QORSHE DHAGAREEDKII iyo XASUUQII ugu cuslaa dhammaadkii Qarnigii 20-aad ee ka dhacay Qaaradda Africa (marka laga reebo kii ka dhacay Rwanda April 1994-kii) wuxuu ka dhacay Gobolladii la odhan jiray Woqooyiga Soomaaliya, haatana loo yaqaano Somaliland.

Maxay ahayd ujeedada Qorshe Dhagareedkaasi, yaase fuliyey?

Qorshe dhagareedkaa isaga ah wuxuu ahaa mid salka ku hayey ISIR-BEEGSI iyo NACAYB QABIIL, wuxuuna si gaar ah ugu wajahnaa Beelaha Reer Sh. Isxaaq. Qorshaa isaga ah waxa abaabulay, qorsheeyey, isla markaana si dhab ah u fuliyey Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre. Haddaba, si uu qorshahaasi u noqdo mid laga gaadho ujeedadii laga lahaa, waxa loo adeegsaday awoodii Dawliga ahayd iyo hantidii ummadda Soomaaliyeed oo dhan. Sidoo kale, waxa xasuuqaa loo adeegsaday cududii iyo hubkii ay lahaayeen noocyadii kala duwanaa ee Ciidamadii awooda badnaa ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ayaa dhibane ka ahaa Qorshe Dhagareedkaasi ?

Qorshe Dhagareedkaasi waxa loogu tala galay in lagu cidhib tiro Beelaha Reer Sh. Isxaaq oo ka mid ahaa shacabkii Soomaaliyeed ee ku noolaa Gobolladii Woqooyi (Somaliland).

Waxa xusid mudan in bulshadaa Soomaaliyeed ee sida gaarka ah loo beegsanayay ay ahaayeen Soomaalidii ugu horraysay ee hela Xornimo buuxda iyo Dawladnimo ay iyagu iska leeyihiin. Laakiin, in ay dawlad gaar ah ahaadaan waxay ka door bideen midnimo Soomaaliyeed iyo 5 Soomaaliyeed oo wadaaga dawlad mid ah iyo calan keliya. Dabadeed bulshadii reer Woqooyiga oo ay Reer Sh. Isxaaq hoggaaminayeen waxay bilaa shuruud ku soo wareejiyey Qarannimadii iyo Xorriyadii ay heleen si ay ula midoobaan walaalahoodii Koonfurta Soomaaliya. Wixii loogu abaal guday iyo sidii loo galayna waxay ku dhigan tahay Sooyaalka taariikhda Soomaalida.

Cadaadiskii, caddaalad darradii, takoorkii, isir-beegsigii iyo xasuuqii loo gaystay bulshada ku abtirsata Beelaha Isaaqa waxay soo bilaabantay 1961-kii taasoo socotay ilaa 1991-kii.

Sannadihii1988, 1989,1990 waxa xasuuq arxan darro ah oo aan loo aabo yeelin loo geystay isla markaana ku naf waayey in ka badan 250,000 oo qof oo ka tirsan beelaha Isaaqa. Sidoo kale, Qorshe Dhagareedkaasi waxa ku bara-kacay oo gebi ahaanba ku caydhoobay in ka badan 3,000,000 oo qof. Waxa la burburiyay Dhaxal, Dhaqan iyo Aayatiin Ummadeed oo la soo dhisayey in ka badan 600 oo sano iyo dhammaan kaabayaashii laf-dhabarta adeega nolosha bulshada. Waxa si rasmi ah u lumay hanti ummadeed oo aan qiyaas lahayn taasoo kor u dhaafaysa Boqollaal iyo Boqollaal Bilyan oo Dollar. Waxa kale oo la burburiyay oo la bililiqaystay raad-raacii taariikheed, kaydkii Hiddaha iyo Dhaqanka iyo Ataartii ay gaarka u lahaayeen bulshadaa ku abtirsata beelaha reer Sh. Isxaaq ee sida arxan darrada ah loo xasuuqayey.

Maxaa ka dhexeeya Colaadda haatan ka socota Laascaanood iyo Qorshe Dhagareedkii loo gaystay ummadda Somaliland 35 sano ka hor??

La soco Qaybta 2-aad ee maqaalkan…… In Sha Allah.

Qalinkii Eng Xuseen Dayr

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir