fbpx
Thursday, October 24, 2024
HomeWararkaXifdiga Quraanka Oo Lagu Soo Darayo Manhajka Waxbrashadda Dugsiyadda Somaliland

Xifdiga Quraanka Oo Lagu Soo Darayo Manhajka Waxbrashadda Dugsiyadda Somaliland

    

Manhajka waxbarashadda dugsiyadda hoose, dhexe iyo sare ee Somaliland ayaa shuruud looga dhigay in ardaydu ay xifdiyaan barashadda quraanka kariimka ah.

Gaar ahaana fasaladda dugsiga hoose  iyo dhexe ilaa sare.Taasoo u jeedadeedu tahay sidii loo dhisi lahaa akhlaaqiyaadka iyo qiyamka ardayda ka soo baxaysa dugsiyadda dalka.

Sidaasina waxaa sheegay wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), in wada tashi dheer ka dib la isla qaatay in dugsiyadda dawliga ah lagu barto maadooyinka quraanka kariimka ah.

Waxaanu wasiirku sheegay in barashadda quraanka ay qayb ka ahaan doonto ilaa inta ardaygu ka baxayo ama ka dhamaysanayo waxbarashadda jaamacadda.

Waxaanu yidhi, “Waxaan doonayaa in aan fursadan uga faa’iidaysto, in wasaaradda waxbarashadu ay go’aamisay  in laga bilaabo maanta, dugsiyadda waxbarashadda lagu soo darrayo, maadadda Diinta. Markii horeba waa lagu dhigan jiraye, oo Tarbiya ayaa lagu dhigan jiray. Laakiin, taxfiidul quraan ayaa lagu soo darayaa”.

“Cidii u cilmiga lahayd baa la waydiiyay. Ardaydu markuu fasalka koowaad joogo, ee dugsiga hoose dhexe, hal Jis buu xafidayaa. Ka labaadna laba Jis buu xafidayaa, ka saddexaadna saddex Jis buu xafidayaa. Ka afraadna afar Jis. Waa toban Jis.

Afarta sanadood ee danbe ee hadhayna, sanad walba shan Jis buu xafidayaa” ayuu yidhi wasiir Toorno, oo hadal ka jeediyay magaaladda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir