fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaIska Hor Imaad Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Laascaanood

Iska Hor Imaad Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Laascaanood

Home 
    

Hal qof ayaa ku geeriyooday laba kalena waxaa soo gaadhay dhaawacyo iska hor imaad maanta ka dhacay magaaladda Laascaanood ee xarunat gobolka Sool.

Iska hor imaadka ayaa ka dhashay laba qolo oo uu u dhexeeyay muran dhinaca dhulka ah, kuwaasoo dhinac ka mida uu weerar ku soo qaaday dhinacii kale.

Iyadoo halkaana uu ku geeriyooday hal qof halka laba kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo dhacdadaasi ka warbixiyay.

Badhasaabku waxa uu sheegay in shan qof oo falkaasi gaystay ay gacanta ku soo dhigeen ciidamadda boolisku, isla markaana sharciga la hor gayn doono xubnahaasi.

C/qani Jiidhe, ayaa ugu baaqay dadka eheladda ah ee dhibaneyaasha in ay nabadgeliyadda ilaaliyaan, isla markaana ay dawladda ka war sugaan si aan dhibaatadii dhacday dhib kale uga dabo tegin.

Geesta kale, guddoomiyaha gobolka Sool waxa uu sheegay in gebi ahaanba la joojiyay arrimaha dhulka muddo saddex bilood ah ama inta lagu jiro hawlaha doorashooyinka.

Iyadoo tallaabo laga qaadi doono cid kastoo isku dayda in ay farro geliso arrimaha dhulka, maadaama oo ay dawladda Somaliland joojisay.

Guddoomiyaha ayaa uga digay in bulshadda gobolka Sool in ay joojiyaan arrintaasi, isla markaana amarkaasi uu ka fulay xagga dawladda balse ay bulsahddu iska dhego-marinayaan.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)