Kadib muddo shan sanadood ah oo uu xidhnaa seerraha banka Arroori ee gobolka Togdheer maanta ayaa dib loogu faasaxay xoolo dhaqatadda in ay xoolahoodda daaqsadaan.
Banka Arroori ayaa qiyaastii 20KM oo dhinaca Koonfureed ah ka xigga magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Waxaana loo fasaxay Geellayda qaabka casriga ah u dhaqda Geella iyo xoolo dhaqatadda reer guurraga ah.
Seeraha banka Arroori ayaa dhererka dhex-roorkiisu dhan yahay 60KM oo laba jibaaran, shan sanno ka hor ayaanay xukuumadda Somaliland xoolaha ka xidhay.
Waxaana maanta lagu xereeyay in ka badan 20,000, oo neef oo isugu jira Geel iyo Adhi, iyadoo la filayo in dad xoolo dhaqato ah oo Adhiley ah ay soo gaadhaan maalmaha soo socda.
U jeedadii laga lahaa xidhitaanka seeraha banka Arroori ayaa ahayd in ay xooluhu ku baxsadaan xiliga Jiilaalka ah, ama haddii ay dhacdo calaf yaraan soo waajahda xoolo dhaqatadda.
Inkastoo Cawska ku yaalla seeraha banka Arroori uu imika qalalan yahay, hadana waa mid faa’iido badan u leh xoolaha.
Waxaana seeraha Arroori xoolaha u furtay wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland, iyadoo munaasibadii furitaanka ay joogeen masuuliyiinta wasaaradda xannaanadda xoolaha ee gobolka Togdheer.
Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd, maayarka Burco Maxamed Yuusuf Murraad, taliyaha qaybta booliska Togdheer iyo masuuliyiin kale.
Maxamed Diiriye Xayd, badhasaabka gobolka Togdheer ayaa kula dar-daarmay dadka xoolo dhaqatadda ah in ay ka wada shaqeeyaan ilaalinta nabadgeliaydda inta ay seerahaasi wadda daaqsanayaan xoolahoodda.
Waxaanu yidhi, “Waxaan Geellayda leeyahay, iyo reer miyiga ku soo guurraya, ee Adhiga wataba, hadaydaan is ilaain, oo aydaan idinku nabadgeliyadda ka shaqaynin, waxba inoo hagaagi maayaan. In aad ilaashataan baa la idiinka baahan yahay”.
Maayarka Burco, ayaa ka waramay faa’iidadda ay leedahay in seereyaasha la xidho, isla markaana xiligii la xidhayay ay bulshadu aragti kale ka qabeen, balse ay maanat ogaadeen faa’iidadiisa.
“Markii la yidhi seerihii ayaa la xidhayaa, waala sharaysanayay. Ama nin deegaan ka dhigtay ha ahaado, ama nin tuullo ka Ootay ha ahaato, waxay ahayd in ay dadku si kale u fekerayeen.
Laakiin, maanta markii loo aayay, waa la arkay faa’iidadiisa” ayuu yidhi Maxamed Yuusuf Murraad, maayarka magaaladda Burco.
Dhinaca kale, xubno ka tirsan xoolo dhaqatadda Geellayda qaabka casriga ah u dhaqda Geella ee loo furay seeraha Arroori ayaa ka mahad celiyay furitaanka seerahan banka Arroori.
“In muddo ah ayaa la diidanayaa in la xidho seerahan Arroori, oo aan la garanayn waxa uu faa’iido leeyahay. Balse faa’iidadiisii maanta ayaa la arkay. Waan ka mahad celinaynaa haddii aan ku hadlo afka Geelayda, mashruucaasi in la noo furro.”
“Tacabkii la geliyay seerahan, maanta waanu haynaa, haddii aanu nahay xoolo dhaqatadda. Maanta maalin loo baahan yahay, oo loo jilicsan yahay, oo tacabkaasi waa loo aayay”.