fbpx
Thursday, October 5, 2023
HomeWararkaBulshadda Laascaanood Oo Codsanaya In La Soo Gaadhsiiyo Lacagta Somaliland

Bulshadda Laascaanood Oo Codsanaya In La Soo Gaadhsiiyo Lacagta Somaliland

    

Bulshadda ku nool magaaladda Laascaanood ee xarunat gobolka Togdheer ayaa  ugu baaqay xukuumadda Somaliland in ay soo gaadhsiiso isticmaalka lacagta shillinka Somaliland.

Laascaanood ayaa ah magaaladda keliya ee  ka tirsan goboladda Somaliland ee weli laga isticmaalo lacagtii Soomaaliya.

Balse lacagta Soomaaliya ayaa dhibaatooyin sicir barar oo khal-khal geliyay noloshii bulshadda ku keenay suuqyadda wax kala iibsiga magaaladda Laascaanood.

Si ay dhibaatadaasi uga baxaan ayaa bulshadda Laascaanood waxay xukuumadda Somaliland gaar ahaana madaxweyne Biixi ka codsadeen in laga bedello lacagta Soomaaliya, isla markaana loogu bedelo lacagta shilllinak Somaliland.

Bishii hore ayaa shacabka magaaladda Laascaanood waxay sameeyeen mudaharaad cabasho ah oo ay ku muujinayeen dhibaatadda sicir barar ee ay ku keentay lacagta Soomaaliya iyo baahida ay u qabaan helitaanka lacagta shillinka Somaliland.

Telefishanka qaranka Somaliland oo Makarafoonka la dhexmaray qaybaha kala duwan ee bulshadda Laascaanood ayaa muujiyay sida ay dhibaato ugu qabaan lacagta Soomaaliya iyo baahida ay u qabaan in laga bedelo.

Waxaanay dadweynuhu baaq u direen xukuumadda Somaliland oo ay ka dalbadeen in ay lacagta Giibaarta ka bedesho, isla markaana soo gaadhsiiso lacagta Somaliland.

 

Daawo: Warbixcintaasi:

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)