fbpx
Thursday, April 18, 2024
HomeWararkaJawaar Maxamed oo Cuntada Ka Soomay

Jawaar Maxamed oo Cuntada Ka Soomay

  

Mid ka mid ah qareennada Jawaar Maxamed, oo lagu magacaabo Maxamed Jimma, ayaa sheegay in Jawaar oo hadda ku jira gadood cunto ka soomid ah aanu maanta la hadli karin warbaahinta.

Laanta la dagaallanka argagixisada ee maxkamadda sare ee federaalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay dhageystaan markhaati furka 24 ruux oo wax laga weydiinayo kiiska Jawaar Maxamed.

Jawaar Maxamed, Bekele Gerba, Hamza Adane iyo Shemsadi Taha, ayaa dhammaantoodba maanta ku jiray gadood cunto ka soomid ah.

Qareenka Jawaar ayaa sheegay in isaga iyo Bekele ay cuntada diidayeen muddo siddeed maalmood ah.

Maxkamadda ayaa oggolaatay in ay arkaan dhakhtar gaar ah oo aan ahayn dhakhaatiirta dowladda.

Markii la weydiiyay sida ay tahay xaaladda caafimaad ee Jawaar, ayuu Maxamed Jimma yidhi: “Si shakhsi ahaan ah waxaan u dareemay in Jawaar ay baahida si gaar ah u saameysay. Aad bay u daciifeen mana hadli karaan. Aad bay u xanuunsan yihiin.”

Siyaasiyiintan ayaa gadoodka cunto ka soomidda ah sameeyay si ay uga mudaharaadaan xadhigooda iyo sida warbaahinta loogu diiday inay xogtooda helaan, sida sheegay qareen kale oo lagu magacaabo Tuli Baysa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir