fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararka“Waxaa jirta Abaar aad u daran Ceelashii way gudheen Berkadihiina biyo-ba ma”…...

“Waxaa jirta Abaar aad u daran Ceelashii way gudheen Berkadihiina biyo-ba ma”… Faysal Xawte

    

Guddoomiye ku-xigeenka haayadda ka hor taga aafooyinka iyo kaydka raashinak qaranka ee Somaliland Faysal Jaamac Xawte, ayaa sheegay in abaar iyo biyo la’aan daran ay ka jiraan goboladda Sool iyo Xaysimo.

Kuwaasoo saamayn xoogan ku yeeshay nolosha bulshadda ku dhaqan deegaamadaasi, isla markaana ay ugu sii daran tahay xaaladda biyo la’aanta oo meel daran maraysa.

Faysal Jaamac Xawte, oo warbaahinta dawladda ee Somaliland maanta u waramay isagoo ku sugan deegaanka Carroolay, ee gobolka Xaysimo, waxa kaloo uu tilmaamay in deegaamadaasi ay gebi ahaanba ka hayaameen xoolihii.

“Goboladda Sool iyo Xaysimo waxaa ka jirta abaar aad u daran. Meello badan oo aanu amrnay waxaanu ku aragnay abaar.  Waxaa  jirta abaar kulul, iyadoo weliba xaaladda ugu darran deegaamadani ay tahay xagga biyaha.

Ceelashii way gudheen, Baraagihii  ay dadku ka cabi jireen na biyo-ba ma gelin sanadka. Waxa ugu daran ee deegaamadan ka jira ee ay sababtay abaartu, waa biyo la’aan. Xoolihiina way ka hayaameen dhamaan” ayuu yidhi Faysal Jaamac Xawte.

Guddoomiye ku-xigeenka haayadda kaydka raashinka qaranka waxa kaloo uu sheegay in ka haayad ahaan ay ka hawl gelayaan sidii deegaamadaasi caawimo loo gaadhsiin lahaa.

Waxaanu yidhi, “Gobolka Sool, waxaanu ka qaybinay 1500, oo kartoon oo Timir ah, oo aanu degmadda Laascaanood siinay. Tanna qorshaheeda waan gelaynaa, wixii aan ka qaban karnana waan ka qabanynaa. Hadda qorshaheedda waan ku jirnaa”.

Geesta kale Faysal Jaamac Xawte, ayaa ugu baaqay haayadaha caalamiga ah in ay gcan ka gaystaan sidii deegaamadda goboladda Sool iyo Xaysimo ee ay abaartu haleeshay in lala soo gaadho kaalmo.

Isagoona xusay in qaar ka mida haayadaha caalamiga ah ee dalka ka hawl gala ay u gudbiyeen sidii caawimo loo gaadhsiin lahaa bulshadda deegaamadaasi.

“Xagga raashinka, dawladu wixii karaankeedda ah way qabanaysaa. Haayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahna warbixinta hore ayay u haysteen, imikana waan ugu celinaynaa, in cidii wax ka qabanaysaa ay wax ka qabato” ayuu yidhi Faysal Jaamac Xawte.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)