fbpx
Thursday, October 5, 2023
HomeWararkaCabdikariin Axmed Mooge Oo Cadho Ugu Biiray WADDANI, Markii Madaxweyne Biixi Diiday...

Cabdikariin Axmed Mooge Oo Cadho Ugu Biiray WADDANI, Markii Madaxweyne Biixi Diiday Inuu Maayarnimo Ku Dhiso

    

Toddobaadkii hore waxa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ku biiray isla-markaana ku dhawaaqay inuu iska soo sharraxaya doorashada Golaha deegaanka ee Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan, kaasi oo hore u iclaamiyey inuu doonayo inuu noqda Maayarka Hargeysa, haddii uu ku soo baxo doorashada Golaha deegaanka.

Xisbiga WADDANI ee uu ku biiray Cabdikariin Axmed Mooge uma samaynin Xaflad soo dhaweyn ah si la mid ah Musharraxiinta kale ee hore u shaaciyey inay WADDANI uga tartamayaan doorashada Golaha deegaanka, kuwaasi oo uu Xisbigu u sameeyay Munaasibado uu ka qayb-galo Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro iyo Hoggaanka kale ee Xisbigaasi, balse Cabdikariin si kadis ah ayuu shir-jaraa’id uga shaaciyey inuu WADDANI ku biiray isla-markaana ka dhex tartamayo, taasi oo keentay tuhun ah inay jiraan wax ku khasbay inuu qaado Tallaabadaa deg-degga ah.

Sidaasi darteed, Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Warbaahinta u sheegay in sababta uu Cabdikariin Axmed Mooge uu sida deg-degga ah ugu dhawaaqay inuu ku biiray Xisbiga WADDANI tahay, inay u suurto-geli wayday qorshe uu u bandhigay Madaxweyne Muuse Biixi, kaasi oo ahaa inuu iska soo sharrayo Xisbiga KULMIYE, sidaasi darteedna uu Madaxweynuhu ku dhiso inuu noqdo Maayarka Caasimadda Hargeysa, taasi oo sida xoguhu tibaaxeen uu Madaxweynuhu ka diiday.

Warku wuxuu intaa ku daray, in go’aanka diidmada ah ee uu Cabdikariin Axmed Mooge kala kulmay Madaxweynaha ay ku keliftay in isla Maalintii ay kulmeen Madaxweynaha ka dib, uu ku dhawaaqo inuu ku biiray WADDANI, go’aankaas oo loo fasiran karo cadho ka dhalatay Go’aanka diidmada ah ee Madaxweynaha iyo inuu isku muujiyo inuu xisbi kale heli karo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)