Muqdisho (Haldoor News) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa magacaabay guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, in ka badan lix bil kadib markii dib loo doortay 15-kii May 2022.
Bayaanka kasoo baxay Villa Somalia ayaa intaas ku daray “Xeerkan Madaxweyne ayaa waafaqsan qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeer Lr. 6 ee soo baxay 12/02/1980 kuna saabsan in G/Banadir iyo Dowladda Hoose ay hoos yimadaan Madaxtooyada J.F.S.
Xeerkan madaxweyne ee lagu magacaabay guddoomiye ku-xigeennada iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir, ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Axad, 20-ka November, 2022.
Madaxweynaha ayey lix bil ku qaadatay inuu beddelo ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, waxaana ugu wacneyd in siyaasiyiin badan oo ku dhow ay loolan iyo olole u galeen sidii loo magacaabi lahaa dad ku dhow
Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato.
Gudida...