Tuesday, October 22, 2024
HomeArimaha DiintaMa doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato.
Gudida Masaajidka Somalida ee Magaalada Kassel waxay inoo Soo Bandhigeen inay heleen Dhul aad u muhiim ah ay doonayaan inay ka Dhisaan Masaajid ay Mulkiyadiisa leeyihiin Bulshada Somaliyeed.
Dhulkaasi oo Qiimihiisa lagu Sheegay 572,800€ in lagu Bixiyo Muddo Afar Bilood ah, haddii aanay Afartaasi Bilood ku iibsan Dhulkaasi cid kale ayaa iibsan doonta oo sidaas ayuu inagu dhaafay.
Dhulkan oo Ku yaala Badhtamaha magaalada oo ah Goob Tareenka u dhaw, Qofkuna ku iman karo si fudud haddii aanu gaadhi wadan, Sidoo kale Dhulkan ayaa waxaa ka dhismi kara Masaajid aad u Wayn oo leh Barxad Fiican oo Baabuurta la dhigan karo.
Haddaba Maxaa inala Gudboon haddii aynu nahay Bulsho waynta Somaliyeed eek u Dhaqan jarmalka.
1. Inaan Si kal iyo laab ah ugala Qayb qaadano oo aynu ku darsano Saddaqo Fiican.
2. In aan Wakhtiga Kooban ee Afta bilood ah ka Faa,iidaysano oo aynu lacagtaasi kusoo ururino.
3. In Qofkastaa Xil isa saaro oo Dadka magaaladiisa dagan ogaysiiyo Khayrkan oo ka qayb qaato.
4. In aan la Wadaagno Muslimiinta kale ee wadanka inala degan ee Khayrka jecel si aan Furadaasi inoo dhaafin.

Waxa aynu ku jirnaa 10-kii danbe ee Bisha barakaysan ee Ramadan, Dadka Somaliduna waa Dad Khayrka Jecel oo aan isleeyahay way ka Faa,iidaysanayaan Jaaniskaasi ay heleen .
Dalkii Hooyo markii aynu joognay waxaa Masaajidada dhisi jiray Dadka Tujaarta ah balse qurbuhu wuu ka duwanyahay oo wuxuu inooga Baahanyahay in aynaan cid kale waxba ka sugin ee aynu isku tashano, Awoodeena midayno, illaahay dartiina Maalkeena Khayrkaasi kaga Faa,iidaysano.
Haddii aad wax sadaqeysato ILAAHAY wuxuu kuugu badalayaa wax ka kheyr badan, wuxuuna kaa Arsaaqayaa meel aadan fileynin, Nabi muxamed CSW waxaa uu inoo Tilmaamay Qofkii illaahay dartii Masaajid udhisa, wallow haba yaraadee, meel Shinbiri Beed Dhigatona ha le’ekaadee in Illaahay isna Guri Jannada uga Dhisayo, markaa in aan Guryaha Aakhiro Dhisanaa waa muhiim oo aynaan kuwa aduunka uun ku Mashquulsanaan.
Qofkii rabba in uu Illaahay Dartii uga Qayb qaato Fadlan halkan Hoose waxaad ka heli kartaan Account-ka aad si Fudud ugu diri kartaan ee yaan la Dhayalsan Saddaqada.

Somalischer Kulturverein Kassel e.V.
IBAN: DE52 5205 0353 0001 1590 28
Bank: Kasseler Sparkasse

Wixii faahfaahin intaasi dheerna kala xariir Guddoomiyaha Gudida Masaajidka Magaalada Kassel Khaliif Warsame +49 176 46146350

Alle Dhamaanteen Khayrka ha ina waafajiyo.

 

Mustafe Future
Haldoornews.com
Düsseldorf Germany
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version