fbpx
Saturday, July 27, 2024
HomeWararkaWaddada Isku Xidha Kalabaydh iyo Laascaanood Oo Si Ku-Meel Gaadh ah Loo...

Waddada Isku Xidha Kalabaydh iyo Laascaanood Oo Si Ku-Meel Gaadh ah Loo Furay

    

Waxaa maanta si ku meel gaadh ah gaadiidka loogu furay   Waddada isku xidhaysa degmadda Kala-baydh iyo magaaladda Laascaanood.

jidkaasi oo muddooyinkanba uu socday dhismihiisu ayaa qaybta la dhamaystiray ee jidkaasi, ayaa dhan 4KM oo bulshadu degaankaasi isku tashi ku dhistay iyo 8-KM oo Jay ah, Daamurkuna u hadhsan yahay, iyaana imika si toosa ku soo dhammaatay.

Daahfurka jidkan isku xidhaya Laascaanood iyo Kala-baydh waxaa goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, maayarka magaaladda Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, Guddoomiyaha degmadda Kala-baydh.

Sidoo kale, waxaa munaasibadaasi goob joog ka ahaa isku-duwaha wasaaradda Gadiidka Somaliland Shaakir Mustafe, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, Injiineeradda iyo masuuliyiinta shirkadda fulinaysa dhismaha waddadaasi, iyo guddiga dhismaha Waddadan.

C/qani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka gobolka Sool oo hadal ka jeediyay daahfurka jidkaasi, ayaa ku bogaadiyay bulshadda deegaanka ee la yimid hal abuurka ah in ay dhistaan jidkaasi iyo sidoo kale wasaaradda gaadiidka Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Waa guul aan ugu xamdi naqanayno Allaah SWT. Waxaan iyana bogaadinayaa bulshadda reer Kalabaydh ee hal-abuurkan hindisay una istaagay, wasaaradda Gadiidka iyo horumarinta Jidadka oo kaalin fir-fircoon ka qaadatay”.

Dhiiri gelinta, garab galka joogtada ah iyo kaalinta hoggaamineed ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ka qaatay waa lama ilawaan ay taariikhdu xusi doonto.

Wuxuuna qorshaha jidkan ku daray ajanddeyaasha lagu horumarinayo Kaaba-yaasha dhaqaalaha dalka” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

      

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir