fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaWasiirka Beeraha Somaliland Oo Dhagax Dhigay Xarunta La Dagaalanka Ayaxa

Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Dhagax Dhigay Xarunta La Dagaalanka Ayaxa

    

Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii hore ee la dagaalanka Ayaxa ee Barriga Afrika oo dib u habayn iyo casriyayn lagu samaynayo.

Wasiirka waxaa dhagax dhigaasi ku  wehelinayay wasiirka xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga Somaliland agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Somaliland  iyo madaxa haayadda FAO ee arrimaha beeraha.

Waxaana dhismaha xaruntaasi maalgelinaysa haayadda FAO oo la kaashanaysa wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, taasoo laga hirgelinayo magaaladda Hargaysa.

Xarunta Ayaxa ee barriga Afrika ayaa la dhisay 1948-kii, balse maanta ayaa mar kale dib loo dhagax dhigay si ay hawlaheedii xakamaynta iyo la dagaalanka Ayaxa uga shaqayso.

Sioo kale xaruntani ayaa la qorsheeyay in ay mustaqbalka noqoto xarunta la dagaalanka iyo xakamaynta Ayaxa ee Barriga Afrika, sida uu sheegay wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed.

Ayaxa ayaa labadii sanadood ee u danbeeyay dhibaatooyin ku hayay dalalka Barriga Afrika oo ay Somaliland na ka mid tahay, kaasoo waxyeeleeyay dalagyadda iyo wax soo saarka beeraha ee deegaamadda Somaliland.

Axmed Muumin Seed, oo hadal ka jeediyay goobtii lagu dhagax dhigayay xarunta xakamaynta Ayaxa ee magaaladda Hargaysa ayaa sheegay in xaruntani ay wax badan ka tari doonto la dagaalanka Ayaxa ee guud ahaanba dalka Somaliland iyo wadamadda Barriga Afrikaba.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir