Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in imtixaanku ka bilaabmay guud ahaan gobolada dalka muddo wiig ah ka dibna la soo saari doono natiijada imtixaanka.
Geesta kale Hay’adda shaqaalaha dawladu imtixaano ka qaaday qaybtii kuwaad ee shaqaalaha aan rasmiga ah ee ka hawl-gala hay’addaha laamaha dawlad ee gobolada Togdheer iyo Awdal, kuwaas oo darajadoodu tahay A iyo B, iyadoo gobolka Togdheer ay u fadhiisteen 36 xubnood, halka gobolka Awdal-na ay u fadhiisteen 70 xubnood.
Masuuliyiinta goboladaas iyo isu-duweyaasha goboladaas ee hay’addas shaqaalaha dawlada ayaa shaqaalahaas imtixaanadaas galaya u rajeeyay inay imtixaankaas guul ka gaadhaan iyadoo gobolka Togdheer ay imtixaankaas galeen.