fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaXanuunka Covid-19 oo Faro Ba’an Ku Haya Gobollada Bariga Somaliland, Tirada Dadkii...

Xanuunka Covid-19 oo Faro Ba’an Ku Haya Gobollada Bariga Somaliland, Tirada Dadkii U Dhintay Bishan, Inta Laga Helay & Wararkii U Dambeeyay

Xanuunka Covid-19 oo

Coronavirus
Coronavirus
    

Somaliland waxa sarre u kac ku yimid tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka Covid-19, sidoo kalena tirada dhimashada ayaa kor u kacday.

Tan iyo intii uu soo laba kacleeyay caabuqa Covid-19, ayaa waxa uu xanuunku si xawli ah ugu fidaya badiba gobollada Somaliland.

Gobollada Saaxil iyo Togdheer ayaa lagu warramaya in ay safka hore kaga jiraan, tirada dadka uu caabuqu haleelay iyo Dadka u dhimanaya.

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco Dr. Cabdi Suudi Ibraahim oo Shalay Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in 19-kii Maalmood ee bishan u horreeyay uu Xanuunka Covid_19 uu Magaalada Burco ku dilay 10 Qof, halka 668 Qof oo Xanuunka laga baadhay laga helay 224 ka mid ah, arrintaasi oo muujinaysa khatarta jirtaa inta ay leeg tahay.

Dr. Cabdi Suudi Ibraahim oo arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu xanuunka ka baadhnay 668 Qof, waxa laga helay 224 Qof, 19-kii Maalmood ee u dambeeyay bishan March, dadka Burco ugu dhintay Xanuunka Covid_19 waa 10 Qof..”

Sidoo kale, Isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saaxil Dr. Bashiir Diiriye Jaamac, oo waraysi siinayay idaacadda VOA ayaa ka warbixiyay xaaladda Covid-19 ee gobolkaasi, waxaanu yidhi   “625 qof  ayaa la baadhay waxaana laga helay 161 qof, waa tiro aad iyo aad u saraysa, saddex qof ayaana sanadkan u dhintay” ayuu yidhi Dr. Bashiir.

“Xaaladda xanuunku way soo kordhaysaa, waxaan aad iyo aad ugu boorinaya bulshada in ay dareenkooda na siiyaan oo anay kaftan u qaadan waxan aanu maalin walba ka hadlayno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr. Bashiir.

Isuduwaha ayaa sidoo kale sheegay in haddii 100 qof la baadho 20-30 ka mid ah caabuqa laga helo taasi oo muujinaysa kor-u-kac xawli ah.

Dhanka kale, badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa bulshada gobolka ku booriyay in ay is baadhaan  “Waxaan ka codsanayaa dhammaan reer Togdheer Qofkii isku arka qufac in uu is baadho, waa bilaash, waalla baadhayaa, haddii laga helana waa la karantinimaynayaa, haddii laga waayana gurigiisa ayuu tagayaa” ayuu yidhi Guddoomiye Xayd.

Sidoo kale, waxa Xaalad aan wanaagsanayn laga soo sheegayaa Gobolka Sanaag, gaar ahaan Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Ceel Af-weyn, waxaana la sheegayaa inay kordhayaan Dadka u dhimanaya Xanuunka Covid_19.

Ugu dambayn, guud ahan Somaliland tirada guud ee caabuqa laga baadhay tan iyo sanadkii hore waa 35,363, tirada dhimashadu waa 98 qof halka 1913 qof na ay ka bogsadeen.

Arbacadii Toddobaadkii hore, ayaa waxa Somaliland soo gaadhay Tallaalka Covid_19, kaasi oo Somaliland loogu deeqay, waxaana laga yaabaa in toddobaadkan gudihiisa la bilaabo  in Shaqaalaha Caafimaadka lagu bilaabo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)