fbpx
Thursday, April 18, 2024
HomeWararkaMareykanka oo Amar Culus Ku Soo Rogay Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya

Mareykanka oo Amar Culus Ku Soo Rogay Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya

Donald Yamamoto
Donald Yamamoto
    

Dowladda Mareykanka ayaa madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya ku amartay in ay Muqdisho sii joogaan illaa laga gaadhayo heshiis siyaasadeed oo arrimaha doorashada ku saabsan.

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa sidan ku sheegtay qoraal kooban oo ay kusoo daabacday barteeda Twitterka, iyadoo qoraalku uu si toos ah ugu socday madaxweynayaasha, Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur galbeed iyo Hirshabelle.

“Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan doorasho hadda ah. Waa inaad ku sugnaataan Muqdisho ilaa heshiis doorasho laga gaadho. Guul darradu maahan ikhtiyaar,” ayay tidhi safaaradda Maraykanka.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay in aanan la qaadan karin guul darro kale oo ku yimaada geeddi socodka doorashada.

Hadalka Safaaradda Maraykanka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo laga walaacsan yahay qabsoomida shirka madaxweyne Farmaajo ku baaqay oo xukuumada Soomaaliya ay maamulayso.

Illaa iyo hadda dowlad goboleedyada kama hadlin shirkan, balse waxaa socda dadaalo ku aadan in shirku dhaco berrito.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir