fbpx
Sunday, December 3, 2023
HomeWararkaGuddoomiyaha UCID Oo Ka Hadlay Sii Daynta Murashaxiintii Ka Xidhnaa

Guddoomiyaha UCID Oo Ka Hadlay Sii Daynta Murashaxiintii Ka Xidhnaa

    

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyay sii daynta laba murashax oo xisbigaasi ka tartamayay oo hore loo xidhay.

Balse labadaasi murashax oo muddo xidhnaa ayaa shalay xabsiga laga soo daayay, kuwaasoo ka sharaxan xisbiga UCID gaar ahaana gobolka Maroodijeex ayaa la xidhay bishii hore.

Labadan murashax ee shalay sii daayay ayaa muddo ku xidhnaa xisbiga Mandheera ee gobolka Saaxil.

Tallaabadaasi ayuu guddoomiyaha UCID uga mahad celiyay xukuumadda gaar ahaana madaxweyne Muuse Biixi.

Hase yeeshee  Eng. Faysal waxa uu ka dalbaday  madaxweynaha in waraaqaha denbi la’aanta  loo ogolaado murashax kale oo isla xisbigaasi ka tartamaya oo loo diiday in CID iyo xeer ilaalintu ay siiyaan waraaqda denbi la’aanta.

Eng. Faysal, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad xalay lagu qabtay magaaladda Burco oo lagu shaacinayay murashaxiin xisbigaasi ka tartamaya.

Munaasibadaasi oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID, cuqaasha, odayaasha, iyo waxgaradka beelaha murashaxiintaasi iyo marti sharaf kale.

 

DAAWO: HADALKII ENG. FAYSAL:

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)