26.1 C
Hargeisa
Wednesday, March 22, 2023

Somaliland: Tiradda Kiisaska Covid-19 Oo Todobaadkan Si Weyn U Korodhay

    

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in ay maalmahan  aad u soo kordheen faafitaanka iyo kiisas aad u fara badan oo xanuunka Coronavirus ah.

Waxaanay wasaaradu sheegtay in todobaadkii u danbeeyay uu xanuunkaasi soo ritay dad tiradoodu gaadhayso  47 qof  oo ku kala nool goboladda dalkoo dhan.

Iyadoo tiradda dadka uu xanuunkaasi soo ritay ay ugu badan tahay magaaladda Hargaysa.

Taasoo muujinaysa in uu aad sare ugu kacay todobaadkii u danbeeyay kiisaska iyo faafitaanka Covid-19, halka todobaadkii hore  ay tiradu ahayd wax ka yar 30 qof.

Sida uu sheegay madaxa xidhiidhka dadweynaha ee wasaaradda caafimaadka Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa.

Waxaanu masuulkaasi fariin digniin iyo wacyigelin ah u diray guud ahaanba bulshadda Somaliland sidii ay uga feejignaan lahaayeen faafitaanka iyo khatarta xanuunkaasi oo soo laba kaclaysay.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

la Xidhiidha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisement -

Arimaha Diinta