fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaGolaha Guurtidda Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah

Golaha Guurtidda Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah

    

Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeerka shaqaalaha Rayidka ah ee Xeer Lanbar 31/2020-ka.

Xeerkaasi  oo muddo hor yaallay golaha Guurtidda ayay  goluhu ku soo sameeyeen kaabis iyo wax ka bedel.

Fadhiga maanta ee  golaha Guurtida oo uu shir-gudoominaayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golahaasi Siciid Jaamac Cali, ayaa ka hor intii aan codka ansixinta loo qaadin xeerkaasi waxay warbixin ka dhegaysteen guddi loo xil saaray in ay kaabis iyo wx ka bedel ku soo sameeyaan xeerkaasi.

Guddigaasi oo uu guddoomiye u ahaa xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud,  oo golaha warbixin ka siinayay xeerkaasi ayaa  sheegay in ay qodobada qaarkood wax kabedelka iyo kaabista ku soo sameeyeen.

Qodobadaasi  oo ay ka mid yihiin qodobadda 1aad illaa 6aad ee xeerkaasi  shaqaalaha Rayidka ah ee Somaliland.

Fadhiga maanta ee Guurtidda oo ay ka soo xaadireen 43 xildhibaan, oo ka mida 82 mudane ee uu aqalkaasi ka kooban yahay, ayaa Kadib markii ay dhamaatay warbixinta guddiga waxaa cod gacan taag ah loo qaaday ansixinta xeerkaasi.

Waxaana ogolaaday 41 xildhibaan, 1 xildhibaan ayaana diiday, cid ka aamustay na ma jirin, halka aanu gudoomiyuhuna codaynin.

Sidaas ayaanay golaha Guurtidu  ku ansixiyeen xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland Xeer Lanbar 31/2020.

Dhinaca kale, xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland ayaa ah mid muddo dheer la sugayay ansixintiisa, isla markaana baahi weyn loo qabo dhaqan galkiisa oo si weyn loo tebayay.

Waxaana xeerkaasi  hore u soo ansixiyay mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somalialnd, isla markaana muddo hor yaallay golaha Guurtidda.

Iyadoo la filayo in ansixintan golaha Guurtidda kadib loo gudbin doono madaxweynaha Somaliland si uu saxeexa dhaqan galka ugu duugo.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir