fbpx
Saturday, July 27, 2024
HomeWararkaSheekh Rusheeye Oo Sheegay In Booliska Somaliland Soo Samato-bixiyeen Carruur Uu Dhalay...

Sheekh Rusheeye Oo Sheegay In Booliska Somaliland Soo Samato-bixiyeen Carruur Uu Dhalay Oo Hargeysa Lagu Afduubay

Sheekh Rusheeye oo Dadweynaha kala hadlay Bogga uu ku leeyahay facebook, ayaa sheegay inay jiraan Dad isaga dagaal kula jira isla-markaana dhowr jeer u soo jeediyey inuu faraha ka qaado waxyaabaha uu gacanta ku hayo ee ah inuu Dadka Qur’aanka ku daweeyo, arrintaasina gaadhay in Gurigiisa la rasaaseeyo, haddana Carruurtiisa la afduubo.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan deganahay Magaalada Hargeysa, Ilmo yaryar oo 10 jir ugu weyn yahay ayaa Subaxdii Salaasada waxay ka yimaaddeen meel Shaadibiya la yidhaahdo oo ay dhigtaan, waa Shan Carruur ah oo 3 jir ugu yar yahay, waxaana ugu weyn 10 jir, markii ay ka soo baxeen (halkii ay dhiganayeen) ayaa la waayey.”

Sheekh Rusheeye wuxuu sheegay “Wax dhacday in Carruurtii la waayay, anigu markaa Garoowe ayaan joogay, Xaaskayga koowaad baa ii soo sheegtay in Carruurta la waayay, ka dibna Ilaahay baan baryey, intaasi ka dib, Xukuumadda Somaliland aad iyo aad ugu Mahad-naqayaa sidii Sharafta lahayd ee ay Magaalada Hargeysa oo dhami ugu istaagtay Raadinta awlaaddayda, waxaan si gaar ah Ninka Madaxweynaha ka ah Xukuumaddaa khayrka badan Muuse Biixi Cabdi ee Gacanta noo soo geliyey Carruurtii la afduubay, waxa kale oo aan u Mahad-naqayaa Booliska Somaliland oo si khaas ah iskaga xil-saaray raadinta Carruurta.”

Sheekh Rusheeye wuxuu sheegay “Magaalada Hargeysa waa Magaalo nabad ah, wixii ka dhacaana waa wax Qader Ilaahay ah, laakiin Carruurta waxa afduubay waa Xasad, cid kale oo aan wax ka saarayaa ma jirto, waa dad awoodi waayay inay wax iga qaadaan.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir