fbpx
Friday, April 26, 2024
HomeWararkaXisbiga KULMIYE oo Soo Bandhigay Laba Murrashax oo Miisaan Leh oo Uga...

Xisbiga KULMIYE oo Soo Bandhigay Laba Murrashax oo Miisaan Leh oo Uga Qab Galaya Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka

Xisbiga Kulmiye
Xisbiga Kulmiye
    

Xisbiga Kulmiye, ayaa soo bandhigay maanta laba murrashax oo miisaan leh oo u kala tartamaya doorashada Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka caasimadda Hargeysa.

Kulan ballaadhan oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee Hargeysa, ayaa hoggaanka xisbiga KULMIYE ku qaabileen murrashax Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen (Cadami) oo u tartami doona doorashada Golaha Wakiillada iyo murrashax Siciid Jaamac Cali oo isaguna u ordi doona doorashada Golaha Deegaanka iyo taageerayaal wehelinayey oo isugu jiray madaxdhaqameed, odayaal, aqoonyahan iyo dhallinyaro.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo xubno kale oo hadallo ka jeediyey madasha, ayaa soo dhaweeyey labada murrashax oo ay ku tilmaameen inay yihiin kuwo miisaan weyn leh marka laga qeemeeyo aqoontooda, kartidooda iyo dadnimadoodaba.

Dhinaca kale, labada murrashax  Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen (Cadami) iyo Siciid Jaamac Cali, ayaa iyaguna ballanqaaday haddii ay ku guulaystaan doorashada inay bulshada ugu adeegi doonaan daacadnimo iyo sida sharcigu dhigayo.

     

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir