fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMaraykanka oo Ka Digay Xiisadda Siyaasadeed Ee Soomaaliya Farriina U Diray Dhinacyada...

Maraykanka oo Ka Digay Xiisadda Siyaasadeed Ee Soomaaliya Farriina U Diray Dhinacyada Ku Muransan

Donald Yamamoto
Donald Yamamoto
   Dowladda Maraykanka, ayaa si adag uga hadashay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, taas oo sii xoogaysatay kaddib markii ay dhammaatay muddada xilka Madaxweyne Farmaajo, iyadoo aannu jirin wax heshiis ah oo ay hoggaamiyayaasha Siyaasadu isla gaadheen.

Maraykanka ayaa ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo iyo hoggaanka qaranka Soomaaliya inay deg deg u xaliyaan is-mari waaga siyaasadeed ee ka taagan doorashada Soomaaliya, oo ay sheegtay inuu halis gelinayo mustaqbalka Soomaaliya.

“Is-mari waaga siyaasadeed ee sannadkii tegay wuxuu dhaliyey horumar la’aan niyad jab leh oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab, horumarinta amniga, sare u qaadidda horumarinta dhaqaalaha kaddib markii lagu guuleystay wejiga koowaad ee deyn cafinta, iyo in si wax ku ool ah wax looga qabto amni-darrada cunnada iyo musiibooyinka halis gelinaya Soomaali badan,” ayaa lagu yidhi, qoraalka safaaradda Maraykanka.

Dowladda Maraykanku, waxay ugu baaqday dhinacyada siyaasada Soomaaliya in si deg deg ah oo loo xaliyo is-mari waaga siyaasadeed oo ay muhiim u tahay mustaqbalka Soomaaliya in la eego.

“Waa mas’uuliyadda iyo waajibaadka qaran ee hoggaamiyayaasha qaranka iyo kuwa gobollada inay dhinac iska dhigaan raadinta faa’iido siyaasadeed, ayna taa beddelkeeda ka shaqeeyaan danta shacabka Soomaaliyeed, oo u qalma inay waxa ugu wanaagsan ka helaan hoggaamiyayaashooda,” ayaa lagu yidhi, qoraalka.danjiraha dawladda Maraykanka u jooga Soomaaliya kasoo saaray xiisadda khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, “Hadda waa waqtigii la xalin lahaa arrimaha taagan lana dhameyn lahaa shaqada qabashada doorashooyinka.”, ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Baaqan ayaa imanaya iyadoo maanta ay ku egtahay muddo-xileedka Afarta sannadood ahayd ee Farmaajo, iyadoo koxoda la baxay Midowga Murrashaxiinta Soomaaliya ay sheegeen in aannay hadda wixii ka dambeeya madaxweyne u aqoonsanayn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)