fbpx
Thursday, October 24, 2024
HomeWararkaMadaxweyne Biixi oo Bilad Gudoonsiiyey Ciyaaryahan Ka Tirsan Xulka Kubada Cagta Daadmadheedh

Madaxweyne Biixi oo Bilad Gudoonsiiyey Ciyaaryahan Ka Tirsan Xulka Kubada Cagta Daadmadheedh

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi
    

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyada Somaliland ku gudoonsiiyey billadii uu xaqa u lahaa Ciyaaryahan Cabdicasiis Aadan Cumar oo ku magac dheer (Gacan) kana mid ahaa xulkii gobolka Daadmadheedh ee 16-11-2020 ku guulaystay koobkii gobolada Jamhuuriyadda Somaliland ee Kubadda Cagta oo uu maalintaasi kaga maqnaa ciyaartii kama danbaysta ahayd dhaawac culus oo ka soo gaadhay lugta midig oo uu ka jabay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ka duulaya dhiirigelinta da’ayarta dalka, kana jawaabaya codsi uu hore madaxweynaha warbaahinta u soo mariyey ciyaaryahan Cabdicasiis Aadan waxa uu maanta madaxweynuhu gudoonsiiyey laba abaalmarinood oo kala ah ciyaartoygii ugu fiicnaa ciyaaryahanadii xulka gobolka Daadmadheedh oo loo doortay isaga, iyo Billad sharaftii ciyaaryahanadii isugu soo hadhay kama danbaysata koobka Gobolada Somaliland oo madaxweynuhu maanta qoorta u sudhay ciyaaryahanka sidoo kalena uu u saxeexay garanka uu u xidho xulkiisa gobolka Daad-madheedh.

Madaxweynaha waxa kulankaasi ku wehelinayey wasiirrada wasaaraddaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed, Tamarta iyo Macdanta, Mudane Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbul xaakimka kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

   

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir