fbpx
Thursday, October 24, 2024
HomeWararkaLamanaayaal Ku Jiray Farxada Guurkooda oo Kamid Noqday Dadkii Lagu Dilay Weerarkii...

Lamanaayaal Ku Jiray Farxada Guurkooda oo Kamid Noqday Dadkii Lagu Dilay Weerarkii Hotel Afrik

Fahad iyo Farxiyo
Fahad iyo Farxiyo
    

Fahad iyo Farxiyo oo ahaa lamaanayaal ku jiray todobo baxooda ayaa kamid noqday dadkii ku geeriyooday weerarkii xalay lagu qaaday hotel Afrik ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dabley katirsan Alshabab gudaha u galeen.

Lamaanahan ayaa maanta lagu aasay qubuuro ku yaala magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay eheladooda oo aad uga murugaysnaa geerida Fahad iyo Farxiyo oo lagu kala aasay labo qabri oo is dhinac yaala.

Lamanayaasha oo dhawaan ka yimid dalka dibadiisa, ayaa u doortay in ay ku aqal galaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, hase yeeshee iyagoo weli ku jira farxadoodii guurka ayay geeri la kulmeen.

Qoyskooda waxay sheegeen marxuumiintu in ay ahaayeen dhalinyaro da’ yar oo ku haminayay mustaqbal wanaagsan in ay nolasha ka gaadhaan.

Dad badan oo Farxiyo iyo Fahad lamid ah ayaa nolashooda hore ugu waayay weerarada noocan oo kale ee ka dhaca Soomaaliya.

Sanadkii 2019 weerar lagu qaaday hotel ku yaalay magaalada Kismaayo ayaa lagu dilay Hodan Naaleeye oo ahayd gabadh saxafiyad oo caan ah iyo Saygeeda oo ku sugnaa hotelka la wareeray.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir