fbpx
Tuesday, October 22, 2024
HomeWararkaFadhi Deg Deg ah Oo La Isugu Yeedhay Golaha Guurtidda Somaliland

Fadhi Deg Deg ah Oo La Isugu Yeedhay Golaha Guurtidda Somaliland

    

Xildhibaanadda golaha Guurtidda Somaliland ayaa la isugu yeeshay fadhi deg deg ah.
Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ugu baaqay mudaneyaasha golahaasi oo fasax ku maqan in ay fadhigaasi deg deg ah yimaadaan.
Sida uu sheegay xoghayaha guud ee golaha Guutida Somaliland Cabdinaasir Aadan Beegsi, oo maanta warbaahinta la hadlay.
Waxaanu tilmaamay in in shir-guddoonka Guurtidu ku wargelinayaan xildhibaanadda golahaasi in ay ka soo qayb galaan fadhi aan caadi ahayn maalinta Isniinta ee 1-da bisha 2aad ee sanadkan 2021-ka.
Fadhigan ayaa la filayaa in lagaga hadlo arrimaha doorashada iyo in ay go’aan ka soo saaraan golaha Guurtidu is-waafajinta muddo kordhintii ay hore ugu sameeyeen golaha Wakiiladda iyo muddada komishanku u cayimay qabsoomidda doorashooyinka.
Dhinaca kale komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa dhawaan shaaciyay in ay u cayimeen in doorashooyinka Wakiiladda iyo deegaanku ay qabsoomaan 31-ka bisha 5aad ee sanadkan.
Hase yeeshee arrintaasi ayaa loo arkaa mid aan suurto gelin karin sababo kala duwan awgeed.
Kuwaasoo ay ka mid tahay in bisha 5-naad aanay ku ekayn muddo kordhintii ay hore Guurtidu ugu sameeyeen Wakiiladda.
Sidoo kale waxaa la filayaa in golaha Guurtidu ay kala qaadaan labada doorasho ee isa-saaran, isla markaana qabsoomideedda la soo hor mariyo doorashadda golaha Wakiiladda.
Halka sidoo kale la saadaalinayo in ay Guurtidu muddo kordhin u sameeyaan goleyaasha deegaanka.


Si kastaba ha ahaatee, fadhigan deg dega ah ee la isugu yeedhay golaha Guurtidda ayaa loo arkaa mid la isku waafajinayo arrimahaasi iyo in ay wax ka bedel ku sameeyaan wakhtiga komishanka doorashooyinku u cayimay qabsoomidda doorashooyinka is-barkan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir