26.1 C
Hargeisa
Wednesday, March 22, 2023

Hargeysa: Nin Hilib Uu Cunayay Cunaha Isaga Taagay oo La Bad-baadiyay

    

Waxay dhacdo naadir ah, taasoo ahayd xaalad deg deg ah oo u baahan in ay dhakhso loo fuliyo.

Way ka duwanayd bukaanadda caadiga ah sida loo daaweeyo.
Dhacdadaasi waxay ka dhacday magaaladda Hargaysa.

Waxaanay ahayd kadib markii cusbitaalka la noogu keenay bukaan ah, nin uu Cunaha isaga taagay hilib uu cunayay, Jimcihii shalay”.


Sidaasi waxaa sheegay Dr. Xasan Maxamed, oo ah dhakhtar ajnabi ah oo ka mid ahaa dhakhaatiirtii ka qayb qaatay bad-baadinta nin hilib uu cunayay uu Cunaha isaga taagay.

Cusbitaalka Gargaar ee magaaladda Hargaysa ayaa shalay bad-baadiyay nin uu Cunaha isaga taagay hilib uu cunayay.

Dhacdadani waxay ka dhacday magaaladda Hargaysa ee caasimadda Somaliland.
Dr. Xasan, iyo xubnihii kale ee ay hawshii bad-baadinta ninkaasi ka shaqeeyay ayaa maanta warbaahinta faahfaahin ka siiyay dhacdadaasi.
DAAWO: Dhakhaatiirta oo arrintaa ka hadlaya:

la Xidhiidha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisement -

Arimaha Diinta