fbpx
Saturday, July 27, 2024
HomeWararkaXukun Lagu Riday Nin Samaysanayey Shaambada Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland

Xukun Lagu Riday Nin Samaysanayey Shaambada Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland

Xukun Lagu Riday Nin Samaysanayey Shaambada Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland
    

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Md Daa’uud Axmed Faarax oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka hadlay nin ay dhowaan ciidamada Boolisku gacanta ku soo dhigeen isaga oo ku hawlan samaysashada shaambada xafiiska Imtixaanaadka Qaranka.

Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax ayaa sheegay in ninkan oo in muddo ah uu kiiskiisu socday ay maxkamadda degmada Hargeysa ku xukuntay saddex sanno oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 3 Milyan oo Shilling-ka Somaliland ah.

Sidoo kale, wuxuu uga digay bulshadda in ay ku kacaan falalka noocan oo kale ah,waxaanu tilmaamay in aan loo naxariisan doonin qofkii falalka noocaas ah lagu qabto.

Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland ayaa tilmaamay in ay xoogga saareen in qofka shahaadada lagu siiyo in la qoro waxa uu keensaday, taas oo sumcad weyn usoo hoysay Somaliland, isla markaana ay si weyn ugu kalsoonaadeen jaamacaddo badan oo caalami ahi.

Waxa uu ka codsaday bulshadda reer Somaliland in ay ka caawiyaan, isla markaana marka la soo helona ku gacan siiyaan dadka falalka noocaas ah ee lagu koobiyeynaayo, laguna dilaayo, hoosna loogu dhigaayo tayada ardayda reer Somaliland iyo tayada shahaadada Somalilandba hoos u dhigaaya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir