fbpx
Wednesday, June 7, 2023
HomeWararkaGolaha Wasiirrada Somaliland oo Falanqayn Ka Yeeshay Arrmaha Doorashooyinka

Golaha Wasiirrada Somaliland oo Falanqayn Ka Yeeshay Arrmaha Doorashooyinka

Golaha Wasiirrada Somaliland
    

Fadhigii 70aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagu lafo-guray arrimaha doorashooyinka Wakiillada iyo Degaanka ee dalka ku soo fool leh.

Ugu horrayn waxa uu Golaha wasiirradu usoo jeediyey golaha guurtida inay is waafajiyaan waqtiga ay Komishanka doorashooyinka qaranku u cayimeen inay ku qaban karaan doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka oo ah 31-05-2021 iyo go’aankooda.

Sidoo kale, goluhu wuxuu saddexda xisbi qaran u soo jeediyey inay si wada-jir ah u fuliyaan shuruucda doorashooyinka, gaar ahaan shuruudaha murrashixiinta, murrashixiintuna ay dhinacooda soo gudbiyaan qoraallo muujinaya inay u hoggaansamayaan sharciga doorashooyinka. isagoo goluhu usoo jeediyey Komishanka doorashooyinka qaranka inay murrashixiinta ku ilaaliyaan shuruudaha xeerka doorashooyinku tilmaamay.

Waxaanu Goluhu warbaahinta dalka usoo jeediyey inay bulshada usoo bandhigaan xeerka doorashooyinka gaar ahaan labada doorasho ee foodda inagu sooo haya.

Ugu danbayntiina Goluhu waxa uu laamaha Amniga ee dalka ku adkeeyey inay xoojiyaan Amniga qaranka, inta lagu jiro u diyaar-garowga doorashooyinka illaa maalinta la dhamaystirayo hawlaha doorashooyinka, siina laban-laabaan dedaalkii ay horeba ugu jireen. Guddi-hoosaadka siyaasadda ee golaha wasiirraduna hubiyaan fulinta qodobbadaas, dersaanna wixii caqabad ah ee ka iman kara, si loo xalliyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)