fbpx
Thursday, October 24, 2024
HomeWararkaBadhasaabka Sool Oo Ka Hadlay Gebagebadda Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Ee Gobolkaasi

Badhasaabka Sool Oo Ka Hadlay Gebagebadda Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Ee Gobolkaasi

    

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka hadlay diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka soo dhamaatay gobolkaasi.

Iyadoo diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo muddo todobaad ah ka socotay goboladda Sool iyo Sanaag ay maanta soo xidhantay.
C/qani Jiidhe, ayaa uga mahad celiyay guddiga doorashooyinka heer qaran iyo heer gobol sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen hawsha diiwaangelinta.

Sidoo kale badhasaabka ayaa ku amaanay qaybaha bulshada gobolka Sool oo si habsami leh u qaatay kaalinta kaga aaddan muddadii is diiwaan-gellintu socotay.


Waxaanu yidhi, “Shacabka, waxaan uga mahad-cellinyaa, dawrka ay qaateen.
Si gaara adkaynta nabad-gelyada iyo fahamka dug sanaya bisaylka kasbay in si mug leh ay isku diiwaan geliyaan, si aysan dantooda iyo masiirkooda u go aamiyan xubnaha u metelaya xildhibaanadda goleyaasha 2akiiladda iyo deegaanka”.
“Waa talaabo iyo bog togan oo aynu horre ugu qaadnay dawladnnimada, dimoqraaddiyadda iyo wada-jirka Somaliland.

Si gaara waxaan ugu mahad naqaya masuuliyintii ka soo jeeday gobolka sool ee uu ugu horeeyo guddoomiyaha golaha Wakiiladda iyo xubnihii wasiirradda ahaa.
Sidii wacyigelinta lahayd ee ay bulshadooda u dhex marayeen kuna boorinayeen inay qataan kaadhka diiwaangelinta codbixiyeyaasha” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Sool.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir