fbpx
Thursday, October 24, 2024
HomeWararkaFaysal Cali Waraabe: Hogaan Xumada Dalka Ka Jirtaa Waxay Horseeday In Soomaaliya...

Faysal Cali Waraabe: Hogaan Xumada Dalka Ka Jirtaa Waxay Horseeday In Soomaaliya Sheegato Somaliland

Faysal

Faysal Cali Waraabe
Faysal Cali Waraabe
    

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay Somaliland hayso hoggaan xumo.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in doorashadii u dambaysay ee Somaliland ka dhacday 2017 lagu codeeyay qabyaalad, balse taasi aan waxba laga dheefin dhibaato mooyaane, sidaasi darteed doorashada soo socota loo baahan yahay in la soo doorto Dad ummadda wax u qabta.

Faysal Cali Waraabe oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Berigii dhawayd qabyaalad baa lagu codeeyay, anigu xitaa waxaan u keenay Kitaab aan idhi waan idinku xukumayaa, laakiin ‘Uf’ bay yidhaahdeen, Maanta maxaynu ka macaashnay, waynagaa is wada hiifayna, waynagaa is wada nacnay, wataa wallo-weyn ina sheeganaysa, iyagoon jirin ayay inna sheeganayaan.”

Sidoo kale, wuxuu eedaymo u jeediyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo dhawaan ka hadlayey Arrinaha Gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland.

“Maalin dhawayd nin ka hadlayey Sool iy Sanaag tuulada uu u dhashay ma tagi karo, Wacaysle ayaa la yidhaahda, haddana Sool iyo Sanaag ayuu doonayaan inuu ka taliyo, waxaan ku idhi Orod gurigaaga ka tali.” Ayuu yidhi, waxaan u intaa ku daray “Nimankaa isku duul-duulaya (Soomaaliya) ayaa innaga sheeganaya, sababtu waa hoggaan xumadeena, haddaynu hoggaan leenahay miyey ina sheegan lahaayeen, intaynu iyagana qabano ayaynu Dawlad u dhisi lahayn, Dawlad aynu halkan uga talino ayaynu u dhisi lahayn oo aynu nidhaadhno ‘kaa ka saar..kaa ka saar’, aniga hiigsigaygu inay Aniga ila taliyaan maaha ee inaan anigu xukumo weeyaan.”

Ugu dambayn, Faysal wuxuu sheegay “Dadku ma xuma ee way hoggaan la’ yihiin ee Ilaahay hoggaan wanaagsan ha inna siiyo..”ayuu yidhi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir