fbpx
Saturday, September 23, 2023
HomeWararkaWasiirka Beeraha Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Hogaanka Cusub Ee SOLJA

Wasiirka Beeraha Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Hogaanka Cusub Ee SOLJA

    

Wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa munaasibad qado sharaf ah u sameeyay hogaanka cusub ee ururka SOLJA ee dhawaan la doortay.

Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay wasiirradda wasaarradaha warfaafinta, ganacsiga, taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka, masuuliyiin ka tirsan hogaanka xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka qayb galay guddoomiyihii hore ee ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), iyo xubno ka tirsan warbaahinta madaxa banana ee Somaliland.

Axmed Muumin Seed, ayaa ku tilmaamay qado sharafta uu u sameeyay hogaanka cusub ee SOLJA mid uu ku dhiiri gelinayo, isla markaana ay masuuliyiin qaran ahaan warbaahintu ka mudan tahay in la gacan siiyo.

Waxaanu kula dar-daarmay in mudadda ay xilka hayaan hogaanka cusubi in ay u gutaan si sharaf leh oo masuuliyadi ku dheehan tahay.

Geesta kale guddoomiyaha cusub ee ururka SOLJA Sekeriye Axmed Muxumed, ayaa isna wasiirka beeraha uga mahad celiyay munaasibadda qado sharafta ah ee uu u sameeyay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)