fbpx
Tuesday, April 16, 2024
HomeWararkaHargaysa: Kulan Lagu Dejinayo Qorshaha Hawlaha Ciidamadda Booliska Ee Sanadkan 2021-ka

Hargaysa: Kulan Lagu Dejinayo Qorshaha Hawlaha Ciidamadda Booliska Ee Sanadkan 2021-ka

    

Kulan lagu dersayo qorshe lagu horumarinayo hawlaha ciidamadda booliska Somaliland ee sanadkan cusub ee 2021-ka ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Kulankaasi ayay u jeedadiisu tahay sidii loo dejin lahaa qorshaha hawlaha ciidamadda Somaliland ee la doonayo in lagu horumariyo sanadkan bilawga ah.

Barnaamijkani waxaa soo diraarisay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland iyo xafiiska dib u habaynta ciidanka booliska Somaliland.

Kulankaasi waxaa ka soo qayb galay saraakiil sar  sare  oo ka tirsan ciidamadda booliska Somaliland, hogaamadda taliska ciidamadda booliska, iyo agaasimeyaasha wasaaradda arrimaha gudaha.

Waxaana aqoon is waydaarsigaasi lagu dar-dar gelinayay shuruucda ciidamadda booliska iyo haayadaha dawliga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin.

Sida uu sheegay wasiir ku xigeenka amniga Somaliland C/naasi Caydiid Maxamed, oo kulankaasi furay, “Tababarkani wuxuu ahaa aqoon is waydaarsi iyo sidii loo sii dar-dar gelin lahaa shuruucda ciidanka booliska iyo cidda ay la shaqayso”.

Waxa kaloo uu sheegay wasiir ku xigeenku in ay hore u soo qabteen kulamo la xidhiidhay sidii la isugu xidhi lahaa bulshadda iyo ciidanka booliska. Kaasoo socday muddooyin badan oo sanadkii ina dhaafay ahaa.

C/naasi Caydiid Maxamed, waxa uu tilmaamay in tababarrada noocan ah ay sii soconayaan, iyadoo  berrina ay kulan noocaasi ah  ku gelli doonaan xarunta wasaaradda arrimaha gudaha ee magaaladda Hargaysa.

Geesta kale Ibraahim Xaaji, hogaanka hawlaha ciidanka booliska Somaliland ayaa isna ka warbixiyay u jeedadda kulankaasi iyo waxyaabaha diirradda lagu saaray.

Waxaanu yidhi, “Maanta waxaynu halkan isugu nimid in lagaga dodo qorshaha (strategic plan) ciidanka booliska Somaliland.

Kaasoo u jeedadiisu tahay sidii horumar loogu samayn lahaa hawsha ciidankan booliska ama dhismihiisa wakhtiyadda soo socda”.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir