fbpx
Wednesday, May 8, 2024
HomeWararkaMadaxweynihii Afghanistan oo Iska Dhiibay Imaaraadka iyo Lacag Uu La Baxsaday

Madaxweynihii Afghanistan oo Iska Dhiibay Imaaraadka iyo Lacag Uu La Baxsaday

    

Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa maanta sheegtay inay sababo bani’aadaminimo u marti-gelisay Madaxweynihii hore ee dalka Afghanistan Ashraf Ghani kadib markii uu dalkiisa ka cararay xilli ay qabsadeen ururka Taalibaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta, ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay inay dalka ku soo dhowaysay Madaxweyne Asharf Ghani iyo qoyskiisa, sababo bani’aadaminimo dartood.

Ashraf Ghani, ayaa Afghanistan ka cararay Axaddii kadib markii Taalibaan ay ku soo dhawaadeen Kabul, kahor inta aanay kooxdu soo gelin magaalada.

Dhanka kale, safiirka Afghanistan u fadhiya Tajikstan, ayaa ku eedeeyay inuu Ghani watay ku dhawaad 169 milyan oo doollar markii uu baxay Axaddii.

Wuxuu ku tilmaamay duulimaadkii Madaxweyne Ghani “khiyaano dalka iyo qarankaba uu ku sameeyay.

Danjire Mohammad Zahir Aghbar, ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay safaaradda Afghanistan ay ku leedahay caasimadda Tajikstan ee Dushanb.

Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaraddu damacsan tahay inay u aqoonsato ku xigeenkii hore ee Ghani Amrullah Saleh inuu noqdo ku -simaha madaxweynaha Afghanistan

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir