fbpx
Tuesday, March 19, 2024
HomeWararkaMadaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Daah-Furay Xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyada

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Daah-Furay Xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyada

    

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta Daah-furay Xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyada Somaliland oo ay aas-aastay Wasaaradda  Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka.

Munaasibada daahfurka Xarunta Barashada Dastuurka iyo waddaniyadda waxa ka soo qayb-galay xubno ka mid ah golaha wasiiradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha & Arrimaha Dastuurka, badi aqoonyahanka iyo waxgaradka Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxda Jaamacadaha dalka, ururada bulshada rayidka ah, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxa sharaxaad guud ka bixiyey xaruntani lagu baran doono dastuurka iyo waddaniyada agaasimaha guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf.

Waxaana hadalka iskaga dambeeyey Drs Edna Aden Ismaaciil, Gudoomiyaha dallada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan Warsame iyagoo dhammaantood tilmaamay ahmiyadda ay xaruntani Qaranka u leedahay.

Sidoo kale, waxa madasha ka hadlay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Mustafe Cali Bille, Cadaaladda, Saleebaan Warsame guuleed,  Macdanta iyo Tamarta, Jaamac Maxamuud Cigaal, waxaanay soo dhaweeyeen muhiimada ay xarruntani  u leedahay qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha & Arrimaha Dastuurka, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo munaasibada ka hadlay ayaa tilmaamay marxaladihii kala duwanaa ee xaruntani soo martay waxaanu hoosta ka xariiqay qorshaha mustaqbalka ee xaruntani hiigsanayso.

Gebo-gebadii iyo Gunaanadkii waxa madashani soo xidhay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  oo ku amaanay wasiirka  iyo wasaaradda ka dhabaynta  ujeedooyinkii loo aas-aasay wasaaradda, sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku booriyey bulsho weynta Somaliland Barashada Dastuurka iyo wadaniyadda.

    

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)