fbpx
Wednesday, May 8, 2024
HomeWararkaXisbiga Waddani oo Ku Baaqay In Baadhis Lagu Sameeyo Arrinta Ardaygii Lagu...

Xisbiga Waddani oo Ku Baaqay In Baadhis Lagu Sameeyo Arrinta Ardaygii Lagu Dilay Boorama

    

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa si adag uga hadlay dilkii magaalada Boorama shalay loogu gaystay Wiil dhalinyaro ahaa oo waxka baranayay jaamacada Camuud.

Xisbiga Waddani, ayaana waxaa uu ku baaqay in baadhis lagu sameeyo arrinta ardayga lagu dilay magaalada Boorama.

Xoghayaha arrimaha Gudaha ee Xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi oo warbaahinta la hadlay, ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo soo gabagabeeyo baadhista dilka ardayga, islamarkaana maxkamada la horkeeno askarigii dilka u gaystay.

Sidoo kale, xoghayaha arrimaha Gudaha ee Waddani, ayaa Ciidamada booliska Somaliland ugu baaqay in laga taxadaro in arrintan oo kale markale dhacdo.

Ardaygan oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdishakuur oo 21 jir ahaa oo ku jiray sanadkii labaad ee Kuliyadda Engineering-ka ee Jaamacadda Camuud, ayaa waxaa toogtay askari ilaalo ka ahaa jaamacadda kaddib markii sida la sheegay ay murmeen ardayga dhintay iyo askarigu.

Maamulka gobolka Awdal, ayaa beeniyey warar la isla dhex marayay oo sheegayay in ardaygaas loo toogtay in uu xidhnaa calanka Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir