Waxaa maanta magaaladda Hargaysa lagu qabtay munaasibad lagu shaacinayay murashax Maxamed Boqor Axmed Iimaan, oo u sharaxan golaha deegaanka caasimadda Hargaysa, kana sharaxan xisbiga UCID.
Xafladaasi oo ka dhacday hudheelka Maamuus ee magaaladda Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xisbigaasi.
Sidoo kale waxaa munaasibadaasi soo buux dhaafiyay boqolaal taageereyaasha murashaxa oo isugu jiray Ragg iyo haween, oo dhalinyaro iyo waayeelba lahaa, iyo madax dhaqameedka beeshiisa.
Munaasibadaasi oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha dhaqanka, ciyaarahaasi oo si weyn u soo jiidatay dadkii xafladda joogay.
Waxaana munaasibadaasi hadalo ka jeediyay madax dhaqameedka, odayaasha iyo dhalinyaradda beesha murashax Maxamed Boqor Axmed Iimaan, oo dhamaantoodaba cadeeyay in ay u soo xusheen inuu ku metelo golaha deegaanka Hargaysa.
Masuuliyiinta beesha murashax Maxamed Boqor Axmed Iimaan, waxay sheegeen in ay codkoodda si buuxda u siinayaan murashaxa marka la gaadho doorashooyinka mudaysan in ay dalka ka dhacaan badhtamaha sanadkan.
Geesta kale waxaa munaasibadaasi lagu qaabilayay murashax Maxamed Boqor Axmed Iimaan, khudbad ka jeediyay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, oo shaaciyay in ay aqbaleen murashaxnimadda Maxamed Axmed Iimaan.
DAAWO: KHUDBADII ENG. FAYSAL: