fbpx
Saturday, July 27, 2024
HomeWararkaProf: Abyan oo Ku Biiray Tartanka Loogu Jiro Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada

Prof: Abyan oo Ku Biiray Tartanka Loogu Jiro Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada

Prof: Axmed Cabdi Muuse Abyan
Prof: Axmed Cabdi Muuse Abyan
    

Musharixii Madaxweyne ku-xigeen ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan, ayaa sheegay inuu u sharaxan yahay Golaha Wakiilada, isla markaana uu kalsooni ku qabo inuu soo baxayo isla-markaana uu ku guulaysan karo Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada.

Musharaxa Madaxweyne ku-xigeen ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in aanu hadda ka tanaasulayn xilka uu hadda ka hayo Xisbiga, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waan sharaxan nahay, waxaana u sharaxan nahay Golaha Wakiilada Somaliland, rejo aad u wanaagsana waan qabaa, maxaa yeelay waxaan ka sharaxan nahay Xisbigayaga UCID, waxaana Shacabkayaga iyo Taageerayaasha Xisbigayaga ka filayaa inay codkooda I siiyaan, waliba anigoo qudha maaha ee dhammaan Musharixiinta kala duwan ee Xisbiga uga sharaxaan Golayaasha Wakilada iyo Deegaanka, meel kasta oo ay joogaan waxaan Shacabka iyo Taageerayaashaba leeyahay codkiina siiya Xisbiga, oo codkiina ugu hiilaya Xisbiga, maxaa yeelay maanta masuuliyiinta kala duwan ee Xisbigu soo sharaxay, waa dad wada xul ah, oo wada aqoon yahan ah, dalkana wax badan u qabanaya”

Mar aanu wax ka weydiinay kalsoonidiisa iyo hankiisa gaadhsiisay inuu hiigsado kursiga Guddoomiyenimo ee Golaha Wakiilada, oo ay Faratoon iyo Cabdirisaaq Khaliif oo kala sharaxan Kulmiye iyo Waddani ay iyana rabaan ayaa ku jawaabay “Haa… hankayagu wuxuu gaadhsiisan yahay inaan u tartamo kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, in aan ku guulaysanayo Guddoomiye-nimadana rejo fiican baan ka qabaa, labada masuul ee iyana hankoodu gaadhsiin yahay inay noqdaan Guddoomiyaha Wakiilada ee aanu isku haybta nahay, waan ka fursad fiican nahay, marka loo eego dhinaca walba, waxaana aad ugu rejo weyn nahay maadaama aan nahay nin dhalinyaro ah, inaan saxo wax kasta oo inaga khaldan, in nidaamka, sharciga iyo xeerarka dalka la ilaaliyo, waxaan ku rejo weyn nahay in Golaha aan isku wado, oo aan Mudaneyaasha isku wado, oo guud ahaan Shacab weynahay reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ay u bogaan nidaamka iyo hanaanka sharci ee lagu maamulayo Golaha Wakiillada, waxaan ku rejo weyn nahay oo qorshahayagu yahay in aan ilaaliyo Sharciga dalka,waxaan ku rajo weyn nahay in Goluhu yeesho maamul, qorshe, himilo iyo kala dambayn, oo waliba aan mar qudha laga talaabsan sharciga inoo yaala”.

Mar aanu wax ka weydiinay inuu iska casilayo xilkiisa Musharax ku-xigeen ee Xisbiga UCID ayuu yidhi “Maya iskama casilayo xilka aan hadda ka hayo Xisbigayaga, ilaa haddana kumaan fikirin inaan is casilo”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir