fbpx
Thursday, October 24, 2024
HomeWararkaThursday, February 25, 2021 “Gobolka Salel Waxaad Mooddaa In Jabuuti La Siinayo….”Xil....

Thursday, February 25, 2021 “Gobolka Salel Waxaad Mooddaa In Jabuuti La Siinayo….”Xil. Axmed Barkhad Obsiiye.

Xildhibaan Obsiiye oo war-baahinta kula hadlayey Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in buuggaas khariirada ku sawirran ee Somaliland ay khaldan tahay, isla markaana ay dhuka Somaliland qayb lagu darray Jabuuti, halka qayb kalena loo jaray dhanka Puntland

“Maamkaas waa maamkii Jamhuuriyadda Somaliland oo gobollaysan, marka aad eegto qaabka ay u dhigeen Gobolladaas, Gobolka Salel la yidhaah in yar oo Raasagii Jabuuti ah ayaa Salel lagu xidhay, waxaad mooddaa in Jabuutiba la siinayo oo intii ay ciida ka guranayeen, ciid baddan ayey ka gurteen biyo ayaa looga oggolaaday waxa aad mooddaa intaa iyadda Jabuuti inay ku kaaban tahay.”

Xildhibaan Axmed Barkhad oo haddalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xaggan kale marka aad eegto Gobol Haylaan la yidhaah innagu ma naqaan ee Sanaag ayeynu naqaan Gobolka Sanaag la yidhaa, laakiin Haylaan wuxuu ka caan yahay Puntland, anigu garan maayo in Puntland intan loo goynayee, marka taa aad ka timaado nuxurka ugu weyn ee aan uga socdaa  waxa uu yahay Gobolkii la odhan jiray Waqooyi Galbeed,waxa loo gooyey afar qaybood.”

Dhana kalena Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye ayaa guddida ugu baaqay inay ka daba tagaan Buuggaas,isla markaana ay gubaan ama ay ka jaraan khariirada la khalday ee dalka“Guddida waxaan uga baaqayaa in Buuggan in la soo ururiyo halkii la geeyey  oo la gubo Buuggaas haddii kale laga jaro khariiradan khaldan oo ay ka daba tagaan, haddii kale iyaga ayaa ku ceebaysan oo  xuquuqdii aadamaha Somaliland meel kaga dhacay waxay illaaliyaan iska dayoo .”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir