fbpx
Saturday, July 27, 2024
HomeWararkaGudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Oo Murashixiinta Uga Digay In Ay Soo Qaataan Shahaadooyin...

Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Oo Murashixiinta Uga Digay In Ay Soo Qaataan Shahaadooyin Been Abuur Iyo Talaabooyinka Ay Ku Hubinayaan

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa shaaciyey in maalinta berri ee 23-ka bisha Febuary la bilaabayo qabashada shahaadooyinka iyo macluumadka dhinaca aqoonta ee looga baahan yahay Murrashaxiinta Golaha Wakiillada ee laga doonayo Shahaadada Dugsiga sare iyo weliba murrashaxiinta Degmooyinka B iyo C ah.

Daa’uud Axmed Faarax, oo shir jaraa’id ku qabtay, isaga oo ay weheliyaan Xubnaha Komishanka Tacliinta sare, ayaa sheegay in ay murrashaxiinta Golaha Wakiillada iyo kuwa degmooyinka B iyo C ah, ee shahaadooyinka laga doonayaa yihiin dugsiga sare in ay yimaadan Xafiiska Imtixaanaadka, si loo hubiyo shahaadooyinkooda.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadku waxa uu intaas ku daray in ay xil weyn iska sari doonaan sidii loo hubin lahaa aqoonta dadka murrashaxiinta ah, ee ummada xilka u qabanaya.

Guddoomiye Daa’uud, waxa uu ka dhawaajiyey in murrashaxiinta ay ka lumeen shahaadooyinku amma ka baxay dugsiyada sare dabayaaqadii siddeetamaadkii laga doonayo cadayso muujinaya in ay ka luntay amma dugsiga sare dhamaysteen, waxaanu xusay in ay xafiiskoodu samayn doono xeelado iyo waraysiyo uu arrintaasi ku hubinayo.

Sidoo kale waxa ay sheegi doonaan dugsigii ay dhigan jireen, ardaydii ay isku wakhtiga ahaayeen, macaliimiintii u dhig jirtay iyo maamulayaashoodii, taas oo uu sheegay in ay si cadaynta arrintaas loo ogaado heer la dhaariyo la samayn doono.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadku, waxa uu u digay murrashaxiinta isku daya in ay shahaadooyin Been abuur ah la yimaadaan Xafiiska Imtixaanaadka, isaga oo sheegay in aanay soo lugo’in murrashaxiinta aan haysan shahaadooyin sax ahi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir