fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMareykanka oo Xuutiyiinta Ka Saaraya Liiska Argagixisada

Mareykanka oo Xuutiyiinta Ka Saaraya Liiska Argagixisada

Xuutiyiinta Yemen
Xuutiyiinta Yemen
    

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay qorsheyneyso sidii ay liiska argagixisada uga saari laheyd Dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen oo liiskaasi uu ku daray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, maalmo yar ka hor inta aanu xafiiska ka tagin bishii hore.

Go’aankaasi ayaa waxaa Jimcihii shalay ku dhawaaqay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxayna ku soo beegmaysaa maalin ka dib markii uu madaxweyne Joe Biden shaaciyay in Mareykanka uu soo gabagabeeyay taageerada uu siin jiray Isbaheysiga Carbeed ee uu Sacuudiga hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen.War ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in sababta liiska argagixisada looga saarayo Xuutiyiinta ay tahay sababo dhanka bani’aadannimada ah.

Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Gargaarka ee caalamiga ah ayaa bishii hore ka digay in go’aankii Trump uu Xuutiyiinta ugu daray Liiska Argagixisada Caalamiga ah ay sii murjineyso xaaladda bani’aadannimo ee hadda ka taagan Yemen.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay xaaladda bani’aadannimo ee ka taagan Yemen masiibo bani’aadannimo tan ugu xun xilligaan. 80% dadka reer Yemen ayaa u baahan gargaar deg deg ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)