fbpx
Tuesday, October 22, 2024
HomeWararkaMadaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Geerida General Maxamed Nuur Galaal

Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Geerida General Maxamed Nuur Galaal

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi
   Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu ka xunyahay dhibatada ay ku jiraan dadka Soomaaliya islamarkaana ay Somaliland cawin lahayd hadii ay reer Soomaaliya qiri lahayeen qaranimada Somaliland.

Madaxwayne Biixi ayaa arintan ka yidhi munaasibada sanad guurada ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka Milateriga Somaliland oo maanta lagu qabtay taliska guud ee ciidanka, waxaanu sheegay in ay isaga iyo shacabka Somaliland ba ka xunyihiin dhibatada ka socota Soomaaliya.

“Soomaaliya dadna waynu isugu xignaa oo waa Soomaali, waa muslim, dhibatada gaadha way ina damqaysa, waa u ducaynaynaa uun wax kale uma qaban karnee, hadii aynu itaal wayn lahan lahayn oo iyaguna waxa aynu nahay garan lahayen oo siday u fikirayan si ka duwan u fikiri lahayen dadkooda iyo dawladoodu, manta tabaladooda iyo waxtar kooda dadka ugu dhaw ee qaban laha baynu nahay”.ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale, madaxwaynaha ayaa sheegay sida uu uga murugooday dilkii Janeral Maxamed Nuur Galaal iyo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay Hotel Afrik ee magalada Muqdisho, isaga oo sheegay in uu aqoon fiican u lahaa Alle ha u naxaristee Janeralka.

“Waxan aad iyo aad uga xunahay maalin walba dadka dhimanaya, ee dhiigoodu daadanayo ee muslim ka ah ee Soomaalida ah ee aanu hebel iyo hebel u garanayno, oo ay ugu danbeeyen kuwii shalay Hotel Afrik lagu laayay, ee uu ugu danbeeya Jeneral Galaal oo aan shakhsiyan aad iyo aad u aqanay oo aha oday Soomaaliyeed, oo waliba qadiyada Somaliland dadka xogogalka u ah ee waxay ku fadhido garanaya ahaa aad iyo aad baan ugu tacsiyaynayaa qoyskiisi iyo qarabadiisi”.ayuu yidhi Madaxweynaha Somalialnd Muuse Biixi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir