fbpx
Saturday, July 13, 2024
HomeWararkaXisbiga KULMIYE Oo Magacaabay Guddiyada Soo Xulista Iyo Diyaarinta Musharraxiinta Golayaasha Wakiillada...

Xisbiga KULMIYE Oo Magacaabay Guddiyada Soo Xulista Iyo Diyaarinta Musharraxiinta Golayaasha Wakiillada Iyo Deegaanka!

-Xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa magacaabay guddiyo loogu talogalay inay soo xulaan, soona diyaariyaan musharraxiinta xisbiga uga qaybgalaya tartanka doorashada Golaha Wakiillada iyo golayaasha degaannada dawladaha hoose ee dalka ee lagu wado inay qabsoonto badhtamaha sannadkan.

Wareegto uu soo saaray Gudddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) maanta oo Salaasa ah, waxa uu ku magacaabay saddex guddi oo laba ka mid ahi soo kala xulayaan murrashaxiinta xisbigu u qaadanayo tartanka doorashada ee gobollada dalka iyo guddi heer qaran ah oo ka shaqaynaysa xallinta wixii khilaaf ah ee ka soo noqon kara hawsha diyaarinta murrshaxiinta.

Gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag, waxa loo magacaabay guddi ka kooban 14 xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Md. Baashe Maxamed Faarax oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, halka gobollada Maroodi-jeex, Awdal iyo Saaxil loo magacaabay guddi ka kooban 15 xubnood oo uu hoggaamiye u yahay Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Xukuumadda Somaliland.

Waxa kaloo Guddi ka kooban 6 xubnood loo sameeyey oo ka shaqaynaysa maaraynta khilaafyada musharraxiinta u tartamaya doorashada golayaasha Wakiillada iyo kuwa Degaannada dalka ee xisbiga KULMIYE.

HALKAN KA AKHRI WAREEGTADA MAGACAABISTA GUDIYADAN;

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir