fbpx
Saturday, July 27, 2024
HomeWararkaWasiirka Waxbarashada oo Tabobbar U Soo Xidhay 400 Macallin

Wasiirka Waxbarashada oo Tabobbar U Soo Xidhay 400 Macallin

Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye
Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye
    

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye oo uu wehelinayey agaasimaha guud ee Wasaarada waxbarshada Axmed Abokor Maxamed ayaa maanta tabobar u soo xidhay 400 oo macallin oo ay kulliyadda tabobarka macallimiinta qaranku ku tabobaraysey hannaanka wax baridda toolmoon ee macallinka looga baahan yahay

Macallimiintan oo ah kuwa ka hawlgala dugsiyada hoose/dhexe ee guud ahaan gobolada dalka oo dhan ayaa xilliyada dugsiyadu fasaxa galaan ku qaata duruus kor loogu qaadayo aqoontooda kulliyadda tabobarka macallimiinta qaranka.

Qaar ka mid ah, macallimiinta tabobarkan loo soo xidhay oo munaasibadaa ka hadlay ayaa wasaaradda waxbarashada uga mahadnaqay, dedaalada kor loogu qaadayo aqoontooda.

Guddoomiyaha kulliyadda tabobarka macallimiinta qaranka Somaliland Axmed Cumar Quule ayaa ka war bixiyey duruusta ay qaateen barayaashani, waxaanu sheegay in ay soo qaateen seddex simistar (semester), isla markaana hadda uu u hadhsan yahay hal simistar oo kii u danbeeyey ah, kaas oo ay u soo noqon doonaan bisha lixaad ee sannadkan 2021-ka.

Agaasimaha guud ee Wasaarada waxbarashada Axmed Abokor Maxamed oo munaasibadaa ka hadlay ayaa sheegay, in tabobarkan looga gol leeyahay sidii aqoonta macallimiinta kor loogu qaadi lahaa, si ay u soo saaraan ardey ku qalabaysan aqoon tayeysan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Maxamed Diiriye oo gunnaanadkii munaasibadaas ka hadlay ayaa tilmaamay, in tabobarkani ka mid yahay seddexda himillo ee u dejisan wasaaradda waxbarashada iyo sayniska kuwaas oo ay ka mid yihiin fiditaanka waxbarashada, maamul wadaaga waxbarashada iyo tayeynta waxbarashada oo tabobarkani ka mid yahay.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye

Geesta kale, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo saynisku waxa uu macallimiintan kula dardaarmay, in ay aqoontii halkan lagu baray uga faa’iideeyaan ardeyda wax ka barata dugsiyadii ay ka kala yimaadeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir