fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMareykanka oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay In Uu Ciidamadiisa Kala Baxay...

Mareykanka oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay In Uu Ciidamadiisa Kala Baxay Soomaaliya

ciidamada Maraykanka oo Soomaaliya ka baxay
    

Taliska militariga Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in la dhammaystiray bixitaankii ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya.

Afhayeenka AFRICOM Gaashaanle Sare Christopher Karns ayaa sheegay in hawshaas la dhammaystiray laba maalmood ka hor wakhtigii kama-dambaysta ee uu u qabtay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump in ciidankiisa lagaga saaro Soomaaliya oo ku beegnayd 15-ka Jannawry.

Karns waxa uu sheegay in tiro aad u kooban oo ciidamada Maraykanka ah ay ku hadheen Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in sababo dhinaca hawlgallada socda ah darteed ayna xilligan sheegaynin waddamada la geeyey ciidamada laga qaaday Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Gaashaanle Sare Karns in haatan hawgalkoodu galay wejiga xiga oo ah inay wada-shaqayn xilliyo leh la sameeyaan ciidamada Soomaaliya. Waxa uu ku gooddiyey in Maraykaku ay sii wadi doonaan cadaadinta ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Tirada ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegaa inta u dhaxaysa 650-800, kuwaasi oo Soomaaliya u joogay inay tababaraan islamarkaana caawiyaan ciidamada Soomaalida, gaar ahaan ciidanka Danab.

Madaxweyne Trump aya dalbay in ciidanka Maraykanka laga soo saaro Soomaaliya horraantii bisha December ee aynu soo dhaafnay.

Saraakiisha Soomaalida ayaa muujiyey inay go’aankaas saluugsan yihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)