fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaHawlgal Qashinka Lagaga Nadiifinayo Badda Hoosteeda Oo Lagu Sameeyey Dekeda Berbera Taarikhda...

Hawlgal Qashinka Lagaga Nadiifinayo Badda Hoosteeda Oo Lagu Sameeyey Dekeda Berbera Taarikhda Markii Ugu Horaysay Janaalka Maraakiibku Soo Marto!

Taarikhda markii u horaysay Badda Somaliland iyo Janaalka Maraakiibtu soo marto Dekeda Berbera, ayaa lagu sameeyey hawlgal Balaadhan oo lagu madiifinayo Biraha Xashiishka ah oo mudo dheer dhib ku hayey mawaaxiga Maraakibtu usoo marto Dekeda.

Khubuuro iyo Xeel-dheerayaal ku takhakhusay Cilmiga nadiifinta Badda iyo Dekedaha dunida, ayaa soo Saaray khashin, sannooyin badan istuulay bada hoos-teeda. Sidoo kale waxa weli socda hawlgalka balaadhan ee lagu madiifinayo Bada iyo marinka Maraakiibtu soo marto.

Qashin Qaadka lagu sameeyey gudaha Bada iyo Dekeda ayaa sahlaya inuu sugnaado amniga Maraakibta kusoo xidhanaysa Dekeda Berbera, maadaama oo ay hadda dhaamayso Dekeda cusub, isla markaana ay Dekeda kusoo fool leeyihiin Maraakiibta waaweyn oo sida Koontiinaro.

Talaabadan ayaa ah guul weyn iyo horumar Balaadhan oo ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera iyo bada u dhow, waxanay kamid tahay dedaalada Xukuumada Somaliland ku Horumarinayo Bada iyo janalka maraakiibta soo marto marka ay kusoo xidhanayan Dekeda Berbera.

Dekeda Berbera ayaa sannooyinkii u dambeeyey lagu sameeyey horumar Balaadhan oo dhinac walba ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)