fbpx
Saturday, July 27, 2024
HomeWararkaWasiirka Warfaafinta Somaliland oo Ka Hadley Geerida Wariye Axmed Cabdinuur

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Ka Hadley Geerida Wariye Axmed Cabdinuur

    

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa waxaa uu ka hadley Geerida Wariye Axmed Cabdinuur oo shalay ku geeriyooday magaalada London ee wadanka Ingiriiska.

Sidoo kale, Wasiir Koore ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii uu ka baxay Marxuum-Axmed Cabdi Nuur.

Qoraalka tacsida Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Hargeisapress.com , ayaa u dhignaa sidan:-

“Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii uu ka baxay Marxuum-Axmed Cabdi Nuur oo Arbacadii shalay ku geeriyooday Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Wasiirku wuxuu laanta Af Soomaaliga ee BBC-da oo ay wada shaqeyn leeyihiin Wasaaradda ka tacsiyadeeyey Weriyahoodii hore Marxuum Axmed Cabdi Nuur, waxa kaloo uu dhambaal tacsi ah u diray  qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuumka oo uu ILAAHAY uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisiina Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Weriye Marxuum Axmed Cabdi Nuur ayaa Ingiriiska ugu geeriyooday Xannuunka COVID 19, waxaanu laanta Afsoomaaliga u shaqeynayey muddo 25 sannadood ah.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir