fbpx
Tuesday, March 19, 2024
HomeWararkaTurkey oo si caro leh uga jawaabtay tallaabo ay qaadeen Reer Galbeedka

Turkey oo si caro leh uga jawaabtay tallaabo ay qaadeen Reer Galbeedka

Turkey ayaa maanta cambaareysay dalal dhowr oo Reer Galbeed ah oo si ku-meel gaar ah u xiray qunsuliyadaha ay ku leeyihiin Istanbul sababo amni dartood, waxayna ku eedeysay “dagaal maskaxeed” iyo isku dayo lagu burburinayo dalxiiska Turkey.

Jarmalka Netherlands iyo Britain ayaa ka mid ahaa dalalka toddobaadkan xiray qunsuliyadaha ay ku leeyihiin magaalada ay ku nool yihiin 16-ka milyan.

Safaaradda Jarmalka ayaa sheegtay suurta-galnimada weeraro aargudasho ah kadib markii qur’aanka lagu gubay dalal ka mid ah Yurub.

Dhinaca kale, Mareykanka iyo dalalka kale ayaa soo saaray diginin safar oo ay muwaadiniinta ugu sheegayaan inay feejignaan muujiyaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkey Suleyman Soylu ayaa sheegay in xiritaanka qunsuliyadaha iyo digniinta safar ay qeyb ka aheyd shirqool Reer Galbeed oo lagu waxyeeleynayo qeybta dalxiiska Turkey ee dib usoo kabaneysa kadib safmareenkii Coronavirus.

“Maalin aan ku dhowaaqnay in ujeedkeenu yahay inaan soo jiidano 60 milyan oo dalxiisayaal ah, waqti ay noo yimaadeen 50.5 milyan oo dalxiisayaal ah islamarkaana aan helnay $46 bilyan oo dhaqaale dalxiis ah, waxay qarka u saarnaayeen inay qaadaan dagaal maskaxeed ka dhan ah Turkey,” ayuu yiri wasiirka oo caan ku ah hadallada ka dhanka ah Reer Galbeedka.

Soylu ayaa sheegay in Turkey ay fulisay in ka badan 60 howlgal oo ka dhan ah kooxda Daacish illaa hadda sanadkan, islamarkaana ay xirtay 95 qof.

Sanadkii tegay, waxaa la xiray in ku dhow 2,000 oo tuhunsaneyaal Daacish ah kadib markii la fuliyey in ka badan 1,000 howlgal oo ka dhan ah kooxda, ayuu yiri.

Horraantii toddobaadkan, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Turkey ay xireen tiro tuhsaneyaal ah kadib diginin ka timid “dal saaxiib ah” balse aysan helin wax hub, rasaas, ama astaan muujineysa ficil rabshado oo la qorsheeyey.

Bishii November, lix qof ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay qarax ka dhacay waddada Istiklal ee bartahama Istanbul.

Mas’uuliyiinta Turkey ayaa weerarka ku eedeeyey mintidiinta Kurdish-ka. Dhowr qunsuliyad ayaa ku yaalla meel u dhow Istiklal.

AP

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)