fbpx
Tuesday, March 19, 2024
HomeArticlesXildhibaan Mustafe Khayreeye Oo La Garnaqsaday Madaxweyne Muuse Biixi.

Xildhibaan Mustafe Khayreeye Oo La Garnaqsaday Madaxweyne Muuse Biixi.

“Ama Ummad baynu noqon Sharciga ixtiraamta ama hoosaasada ayaynu ka bixi oo Rag ayaynu Noqon.

Qaranka Somaliland wax lagu ciyaaro ma aha, Muuse Biixi iyo Xukumada uu hogaaminaayo,ficiladan ay wadaan wax la eegan karo maaha, waa Boob,adyad iyo edeb daro nooc ay tahayba.

Nin ayaa laga hayay hal-hayskan “walaal-kaa oo dhintayna wax loo faano maahaa naagtaasina waxay samaynaysaa wax loo adkaysto maaha”.
Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukumadiisu waxay samaynayaan wax loo dul qaadan karo maaha, wax la sii eegan karana maaha.

Madaxweyne Muuse Biixi, mudadii uu xukunka hayay, waxa uu dagaal iyo weerar badheedha ku qaaday ilaa imikana ku hayaa, Beesha Bariga Burco hadii aan si kale u idhaahdo Beesha Habar Jeclo, Bilowgiiba markii uu xukunka la wareegay waxa uu bartilmaameed ka dhigtay Siyaasiyiintii,Ganacsatadii,saraakiishii iyo shaqaalihii Beesha, isaga Madaxweynuhu ilaa imika mar qudha aan ka nasan.

Maaha mid qoraal lagu soo koobi karo, dhibaatada iyo hagar-daamada Beesha ay ku hayaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukumadiisu, mana aha wax loo siman yahay ee waa mid gaar u ah Beesha Bariga Burco.
Xishoodka iyo Aamuska ay sameeyeen wax garadka,Siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada ee Beeshu ayaa keenay in Madaxweyne Muuse Biixi uu sii wado bartilmaameedkiisa ku waajahan Beesha Bariga Burco

Aan mid ku idhaahdo Madaxweyne Muuse Biixi gabaygii Ibraahin Gadhle ee ahaa:-

“Waraaba ayaan yidhi magacii inkaarnaa amiin baan kala baxay ee ha la i aamino” kadib maalintii danbe ayaa waxaa dhacay in neefbaa dabeed la gawracay sii ilaalibaa lagu yidhi muu si eegine wuu cunay neefkii inta uu cararay ayuu yidhi waxaad igu ogaataan wixii aan ahaan jiray Muuse Biixi waxaanu leenahay waxaan kugu ogaanaynaa waxad ahaan jirtay qofwalbana bulshadu ku ogtahay.

Hadii Deegaanka aan ka soo jeedaa uu noqday xaabadii la shidanayay kolka colaada , ilaalinta deganaanshaha,qaranimada iyo wada-jirka ummada ee aynu ku dhamaanayna karaamo iyo sharaf na siin waayay oo Muuse kolba sida uu rabo uu noogu durduriyay.

Walaahi in aan la aqbali karin,cidii waxaas yeeli lahayd daayoo cidii loola iman lahaa ma nihin,Afkayga waan hayaa weli .
Waxa la yidhi Mayd maxaa u dambeeyay iyo kaasa u dambeeyay.

Aad baan uga xumahay wax la aqbali karana ma aha xadhiga iyo tacadiga gaadhay Col. Maxamed Cali Yuusuf Cartan, oo ka mid ahaa Saraakiisha ugu aqoonta badan Ciidanka Sirdoonka Qaranka, oo xadhig iyo xukun sharci daro ah ku dhacay, lagana qaaday Darajadii Ciidanka ee uu mudada dheer ugu soo shaqaynaayay Dalkiisa.

Sidoo kale Saraakiisha xidhan ee Deegaankayga ah ee bartilmaadeedka noqday waan ka xumahay waxa haysta Kuwa Qaranka difaacaya xaalad kasta, ama duulaan Qaranka lagu soo qaado u dhinta waa Deegaankayga,midh midhkii Xafiisyada Joogayna waxay bartilmaameed u noqdeen kooxo Muuse Biixi ka amar qaata iyo Caruurtiisa oo maalin walba eryanaya.
Saraakiishii deegaankaygu waxay Bartilmaameed u noqdeen Xukumada Muuse, Saraakiishii Hay`ada Sirdoonku waxay noqdeen wax la xidho,wax xilka laga qaado iyo wax la maxkamadeeyo, intuba waa Deegaankayga, waxa waxaas samaynayaa waa Makas iyo wax magarato, ay Muuse Biixi iyo Carruurtiisu ku shaqaysanayaan.

Waxaan leeyahay naga war suga hadii aanu nahay Mudanayaashii aad doorateen ee 20-ka Mudane ahaa,Qarankiinana u adeega inta aanu soo xaqiijinayno in lagu soo noqdo sharciga iyo kala danbayntii dalka.

Ugu dambayntii waxa aan qoraalkayga ku soo gunaanadaya “ama ummad baynu noqon Sharciga ixtiraamta ama hoosaasada ayaynu ka bixi, oo Rag, Rag ah baynu noqon” .

W/Q:_Xildhibaan Mustafe kheyreeye.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)