fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaXog ku saabsan hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Al-Shabaab.

Xog ku saabsan hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Al-Shabaab.

Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa aad usii xoogeystay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay wadaan ciidamada militeriga dowladda Soomaaliya oo kaashanaya meleyshiyo beeleedyo is abaabulay. Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida oo Soomaaliya ka dhisneyd muddo ka badan 15 sano ayaa Iyana dhankeeda sare u qaadday weerarrada loo adeegsado qaraxyada. Haddaba maxaan ka garaneynaa ragga hoggaanka u haya Al-Shabaab?

Qaramada Midoobay, Mareykanka, Midowga Afrika iyo Dowladda Soomaaliya ayaa ka wada shaqeynayay ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo markii ugu horreysay ee ay soo if baxeen.

Dhowr hoggaamiye oo majaraha usoo qabtay Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerarro ay fuliyeen diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee Mareykanka, waxaana ka mid ahaa aasaasihii kooxda, Aadan Xaashi Cayroow.

Axmed Diiriye – Hoggaamiyaha ugu sarreeya

Axmed Diiriye oo sidoo kale loo yaqaanno Axmed Cumar ama Abu Cubeydah waxa uu hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Al-Shabaab ahaa tan iyo bishii September ee sanadkii 2014, sida ay shaacisay safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya.

Mareykanka ayaa liiska argagixisada caalamiga ah ku daray 21-kii bishii Arpril ee sanadkii 2015. Ma aha nin xog badan laga hayo, inta badanna kama soo muuqdo fagaareyaasha.

Isagoo ku dhex jira qaar ka mid ah xubnaha hubeysan ee Al-Shabaab ayuu kasoo muuqday muuqaal ay kooxdu sii deysay ka hor inta uusan dhicin weerarkii bishii January lagu qaaday xerada ciidamada ee Manda Bay ee dalka Kenya, kaasoo lagu dilay askari ka tirsanaa militeriga Mareykanka iyo labo qandaraasle oo u dhashay Mareykanka.

Weerarkaas waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex askari oo Mareykan ah iyo askari u dhashay Kenya.

Axmed Diiriye waxa uu horay u ahaan jiray madaxa garabka Al-Kataib ee ka tirsan Al-Shabaab.

Axmed Diiriye
XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Qoraalka sawirka,Axmed Diiriye

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, Axmed Diiriye waxa uu hoggaanka sare ee Al-Shabaab ka dib geeridii hoggaamiyihii hore ee kooxda Axmed Cabdi Aw-Maxamed oo loo yaqaannay “Axmed Gofdane”.

Cod ay warbaahinta Al-Shabaab shaaciyeen bishii September ee sanadkii 2019 ayaa laga maqlay Axmed Diiriye oo ka hadlayay arrimaha ka taagnaa Soomaaliya, waxaana xilligaas meesha ka baxay hadal heyn horay u jirtay oo ku saabsaneyd in uu geeriyooday.

Bishii July ee sanadkii 2021 ayuu Axmed Diiriye hanjabaad u soo diray ergada xulaneysay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, waxa uuna hadallo uu ku gooddinayay ka jeediyay khudbad uu ka aqriyay goob la isugu soo baxay munaasabadda ciidda.

Bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay, 2022 ayuu Mareykanku ballan qaaday in uu 10 milyan oo doolar siin doono ciddii lasoo wadaagta xog halka u uku sugan yahay Axmed Diiriye.

Mahad Karate – Madaxa Sirdoonka Al-Shabaab

Cabdiraxmaan Maxamed Warsame oo loo garan og yahay “Mahad Karate” iyo magacyo kale waa hoggaamiye ku xigeenka Al-Shabaab, taasoo ka dhigan in uu yahay ninka darajo ahaan ku soo xiga Axmed Diiriye.

Mahad Karate waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka ugu awoodda badan Al-Shabaab, waxaana loo arkaa in uu kaalin weyn ku leeyahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee hadda ka socda Soomaaliya.

Waxa uu dhashay intii u dhaxeysay sanadihii 1957 1962-dii.

Mahad Karate
XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Qoraalka sawirka,Mahad Karate

Waxaa la aaminsan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, sida ay sheegtay dowladda Mareykanka.

Magaalada Xaradheere waxay 16-kii Bishan January, 2023 gacanta u gashay ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya maleeshiyo beeleedyada is abaabulay, waxayna halkaas kala wareegeen Al-Shabaab oo maamuleysay ku dhawaad 15 sano.

Waxaa la sheegay in Mahad Karate uu maamulo qeybta awoodda badan ee sirdoonka Al-Shabaab ee loo yaqaan Amniyaadka. Waxaa kale oo hoos taga qeyb ka mid ah maamulka dhaqaalaha ee kooxda.

Mareykanka oo si weyn u doon doonaya soo qabashada ninkan ayaa sheegay in uu ku hadlo luuqado dhowr ah oo ay ka mid yihiin Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili.

Shakhsiyaadka kale ee maamula Al-Shabaab

Maamulka sare ee Al-Shabaab waxaa hadda haya hoggaamiyeyaal aan xogtooda wax badan laga sii ogeyn balse uu Mareykanku magacyadooda shaaciyay, lacago abaal marin ahna dul dhigay madaxooda.

Maxamed Mire

Mareykanku waxa uu sheegay in ninkan uu yahay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, mas’uulna ka yahay sameynta istiraatiijiyadda ay ku howlgasho kooxda iyo go’aan qaadshada ugu sarreysa.

Sidoo kale Maxamed Mire waa madaxa garabka arrimaha gudaha ee Al-Shabaab, sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Intaas waxaa usii dheer in uu dusa kala socdo ama kormeero howlo badan oo ay Al-Shabaab ka sameyso gudaha Soomaaliya.

Yaasir Jiis

Bayaanka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu caddeeyay in Yaasir Jiis oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya Al-Shabaab uu taliye u yahay garabka hubeysan ee kooxda, oo loo yaqaanno Jabha, kaasoo fuliya dhammaan weerarrada ay Al-Shabaab geystaan.

Al-Shabaab

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Faahfaahin kale lagama sii bixin hoggaamiyahan, marka laga reebo in uu ka mid yahay shanta qof eek u biiray liiska argagixisada.

Yuusuf Axmed Xaaji Nuurow

Ninka saddexaad ee magaciisa lagu sheegay warka lasoo dhigay bogga wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu hoggaamiyo Antony Blinken waa Yuusuf Axmed Xaaji Nuurow, oo sidoo kale loo yaqaanno Gees Cadde.

Waxaa lagu tilmaamay in uu yahay madaxa qeybta sirdoonka ee Al-Shabaab oo dad badan ay u garan og yihiin “Amniyaad”.

Garabkan waxa uu door weyn ka qaataa weerarrada ismiidaaminta iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca gobolka.

Mustaf Caato

Sida lagu qeexay isla warbixinta, Mustaf Caato oo ka tirsan madaxda saree e garabka Amniyaadka ayaa ah ninka mas’uulka ka ah isku dubaridka iyo fulinta weerarrada Al-Shabaab ee ka dhaca Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sidoo kale gacan ka geystay weerarro lala beegsaday meelo ka tirsan Kenya iyo saldhigyada militeriga Mareykanka ee Kenya.

Maxamuud Cabdi Aadan

Qofka shanaad ee magaciisa lasoo bandhigay waa Maxamuud Cabdi Aadan oo uu Mareykanku ku sheegay inuu yahay xubin ka tirsan hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

Ninkan ayaa si gaar ah loogu tilmaamay in uu qeyb ka ahaa koox qorsheysay weerarkii 2019-kii lagu qaaday hoteelka Dusit2 ee magaalada Nairobi.

Muwaadiinta Mareykanka ayaa looga digay in ay wax lacago ah u diraan shakhsiyaadkan oo lagu soo rogay xayiraad dhaqaale.

Dhawaan ayey ahayd markii uu Mareykanka shaaciyay magacyada toban qof oo Soomaali ah oo u uku tilmaamay inay dhinaca dhaqaalaha ka caawinayeen Al-Shabaab. Dhammaan dadkaas ayaa lagu soo rogay cunaqabateyn.

Xigasho BBC SOMALI

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)